Diyaaradda Turkish Airlines oo magaca laga badalayo

Image
Xukuumadda Erdogan ayaa sheegtay Talaadadii in magaca "Turkiye" uu si wanaagsan u matalo dhaqanka iyo qiyamka Turkiga.

ANKARA, Turkey – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in diyaaradaha Turkiga uu magac ahaan u bedeli doono "Turkiye Hava Yolları" bedelkii "Turkish Airlines" taasoo qayb ka ah dadaalka loogu jiro in dalkiisa loogu yeero "Turkiye" halkii uu ka ahaan lahaa "Turkey".

Horaantii bishaan, Ankara ayaa warqad u dirtay Qaramada Midoobay, iyadoo si rasmi ah u diiwaan gelisay magaca dalkaas sida "Turkiye" - sida loo higaadinayo oo loogu dhawaaqo Turkiga. Dalku wuxuu isu magacaabay "Turkiye" 1923 ka dib markii lagu dhawaaqay madax-bannaanida.

Xukuumadda Erdogan ayaa sheegtay Talaadadii in magaca "Turkiye" uu si wanaagsan u matalo dhaqanka iyo qiyamka Turkiga. Dadka indha indheeya arrimahan ayaa sheegaya in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallo lagu doonayo in magaceeda laga saaro shimbirta, Turkiga.

"Turkiga hadda siima jiro karo. Waa "Turkiye",” ayuu yiri Erdogan oo ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayay dayax-gacmeed cusub oo isgaarsiineed.

Erdogan oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “Turkiye Hava Yolları waxa lagu qori doonaa diyaaradaheena halkii ay ka ahaan lahayd Turkish Airlines.”

"Hava Yolları" waa shirkad diyaaradeed oo Turkish ah.

Qaramada Midoobay iyo NATO waxay si rasmi ah u bilaabeen isticmaalka "Turkiye" halkii ay isticmaali lahaayeen "Turkiga." Qaar ka mid ah madaxda sare ee ajnabiga ah ee booqanaya Ankara ayaa iyaguna isbedel sameeyay.

Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa dalka ku tilmaamay "Turkiye" mar uu booqasho ku tagay Helsinki iyo Stockholm todobaadkan, si la mid ah madaxweynaha Finland Sauli Niinisto iyo ra'iisul wasaaraha Sweden Magdalena Andersson.

Labada dal ayaa isku dayaya in ay ka gudbaan diidmada Turkiga ee ku aaddan in ay ku biiraan isbaheysiga milatariga.

Isbahaysiga NATO ahaan, Ankara waxay awood u leedahay inay xannibto dalabkooda xubinimada. Wadanku wuxuu ku eedeeyaa labada wadan ee Waqooyiga Yurub inay taageeraan kooxaha hubaysan ee Kurdiyiinta oo uu u arko "argagixiso".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM