Diyaarado duqeeyey hoyga Madaxweynaha Yemen ee Cadan

Image

March 20, 2015 (GO)- Diyaarado dagaal oo ilaa iyo hadda aan la aqoonsan halka laga leeyahay ayaa duqeeyey hoyga uu magaalada Cadan ka deggen yahay Madaxweynaha Yemen Abd-Rabbu Mansour Hadi.

Wakaaladda wararka AFP oo soo xiganeysa ila wareedyo ka agdhow xafiiska Madaxweynaha Yemen ayaa baahisey in Madaxweynuhu bed qabo, balse loo wareejiyey goob kale oo ammaan ah taasoo ilaa iyo hadda aan si rasmi ah loo shaacin.

Duqeyntan ayaa kusoo aadeysa maalin kaddib markii ay dagaalameen ciidamada dowladda iyo mileeshiyaad ka amar qaata madaxweynihii hore Cali Cabdallah Saalax.

Abd-Rabbu Mansour Hadi ayaa todobaadyadii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Cadan kadib markii uu kasoo baxsadey Sanca oo mileeshiyaadka xuuthiyiintu la wareegeen.

Dalka Yemen oo ay ku nool yihiin 25milyan oo qof kana mid ah dalalka ugu saboolsan Jaziirada Carabta, wuxuu ku jirey xaalad degenaansho la'aan ah  laga soo bilaabo sanadkii 2012 markaasoo kacdoon dadweyne xukunka looga tuuray madaxweynihii hore Cali Cabdallah Saalax.

Qaybo kamid ah dalka waxaa ka arimiya xilligan mileeshiyaad xagjir ah oo ka tirsal al-Qaacida, halka qaybo kale oo badanna gacanta ku hayso kooxda Xuuthiga oo iyadu ah koox Shiico ah taasoo la rumeysan yahay inay taageero dhaqaale iyo mid militeriba ka hesho dalka Iran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM