Donald Trump oo ka badbaadey in maamuus ka xayuubin lagu sameeyo

Image

WASHINGTON, US - Aqalka Senate-ka Mareykanka ee uu hoggaamiyo xibisga Jamhuuriga ayaa maanta cod u qaaday kaddibna laalay labadii danbi ee lagu soo eedeeyey madaxwenye Donald Trump.

Xubnaha aqalka wakiillada ee dimoqraadiga hoggamiyo ayaa bishii December Senate-ka u soo gudbiyay laba danbi oo ay ku soo oogeen Trump oo kala ahaa; ku takrifalid awooddeed iyo is-hortaagid baadhitaanka congress-ka.

Aqalka Senate-ka ayaa dhageystay qareennada ka socday aqalka wakiiladda iyo waliba qareennada difaacayay madaxweyne Trump, waxaana maanta oo Arbaco ah ay cod u qaadeen labada qodob.

52 mudane oo Jamhuuri ah ayaa codka "MAYA" ugu coddeeyay qodobka koowaad ee Trump lagu eedeeyay, halka 48 mudane ay oggolaadeen.

53 mudane oo Jamhuuri ah ayaa codka "MAYA" ugu coddeeyay qodobka labaad ee Trump lagu soo eedeeyay, halka 47 kalena ay oggolaadeen.

​Mitt Romney ayaa noqday mudanaha kaliya ee Jamhuuriga ka tirsan ee la saftay mudanayaasha dimoqraadiga kaddib markii "HAA" ugu codeeyay qodobka koowaad ee dhigayay in madaxweynuhu uu ku takri falay awooda.

Go'aanka Senate-ka ayaa soo afjaraya dacwada ka dhanka ah madaxweyne Donald Trump, kaasoo xilka sii hayn doona inta laga gaarayo doorashadda soo aadan oo uu fursad u haysto in uu difaacdo kursigiisa.

GO + VOA

Related Articles

UK oo dib u soo celisay xiriirka diblomaasiyadeed ee Syria

Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wadashaqeynta Caalamiga ah iyo Horumarinta ayaa sidoo kale ku dhawaaqday xirmo gargaar bini’aadantinimo.

  • Caalamka

    06-07-2025

  • 11:19AM

Iran: "Haddii Israel Markale Nasoo Weerarto, Xitaa Maraykanka Ma Badbaadin doono Netanyahu"

Hadalkan ayaa kusoo aadaya iyadoo xiisadaha u dhexeeya Israel iyo Iiraan ay sii kordhayaan, kadib markii dagaallo iyo weeraro isdhaafsi ah.

  • Caalamka

    06-07-2025

  • 05:44AM