Dowlada Mareykanka oo uga digtey muwaadiniinteeda dalka Djabouti

Image

Nov 26,2014 [GO]- Warsaxafdeed kasoo baxey Wasaarada Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa loogu digey muwaadiniinta u dhaltey Mareykanka ineysan u socdaalin dalka Djabouti, sababtoo ah khatar laga yaabo iney ka timaado dhinaca argagixisada.

Warbixintaan ayaa lagu sheegey in muwaadiniinta Mareykanka iney qiimeeyaan amaankooda shaqsiyadeed inta aysan u safrin dalkaas, iyagoo ka shidaal qaadanaya halista kaga imaan karta weeraro argagixiso lala beegsado.

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtey iney heleyso warar isdaba-joog ah oo la xiriira in la damacsan yahay in weeraro lala beegsado danaha reer galbeedka ku leeyihiin dalka Djabouti.

Dowlada Mareykanka oo wadanka Djabouti ku leh saldhig ciidan ayaa kala socota dhaqdhaqaaqyada kooxda Al-shabaab ee Somalia iyo Al-Qacidada dalka Yamen.

Bishii May 24,2014 ayaa dalka Djabouti waxaa ka dhacey goob lagu qaxweeyo qarax is-miidaamin ah halkasoo uu ku dhintey qof ajnabi ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Netanyahu uga digay joogitaanka ciidamada Israel ee Suuriya iyo Lubnaan

Warbixinta ayaa sheegtay in intii lagu jiray wada hadal telefoon oo dhex maray labada hoggaamiye Khamiistii la soo dhaafay.

  • Caalamka

    14-07-2026

  • 06:52PM

Mareykanka oo Duqeeyey 140 Bartilmaameed oo ku Yaalla Iran

Dhanka kale, Iiraan ayaa la sheegay inay jawaab ahaan weerarro ku qaaday Baxrayn, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    13-07-2026

  • 09:44AM