Dowladda Ciraaq oo sheegtay in la dhaawacay hogaamiyaha IS

Image

November 10, 2014 (GO)- Dowladda Ciraaq ayaa shaacisay in hogaamiyaha kooxda IS Abu bakar Al-baqdaadi lagu dhaawacay duqeyn dhanka cirka ah oo labo maalmood kahor diyaaradaha Maraykanka iyo xulafadiisu la bartilmaameed sadeen goob qaar kamid ah saraakiisha kooxdaasi ku shirayeen oo ku taalla duleedka magaalada Mosul.

Wasiirka Gaashaan-dhigga Ciraaq Khalid al-Ubaydi ayaa warkan u xaqiijiyey wakaalada wararka ee Associated Press inkastoo saraakiil ka tirsan Pentagon-ka Maraykanku sheegeen in iyagu xaqiiqada warkaas haynin.

Wararku waxay intaas ku darayaan in duqeynta Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacday waqooyiga Ciraaq lagu diley sarkaal sare oo ka tirsanaa hogaanka kooxda Daacish (IS) ninkaasoo kamid ahaa ragga Al-baqdaadi aadka isugu dhowaayeen.

Maraykanka oo kaashanaya dhowr dal oo ka kala tirsan Midowga Yurub iyo Bariga Dhexe ayaa bilihii u dambeeyey duqeymo dhanka cirka ah ku wadey fariisimaha kooxda Daacish oo iyadu xilligan gacanta ku haysa qaybo badan oo kamid ah dalalka Ciraaq iyo Syria. 

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa dhowaan ogolaaday in ciidamada Maraykanka ee jooga dalka Ciraaq lagu kordhiyo 1,500 oo askari, si ay qayb uga noqdaan dagaalka ka dhanka ah kooxda IS. 

Dowlada Maraykanku wuxay horay u sheegtay in askarteedu dagaalka si toos ah qayb uga noqon doonin, haseyeeshee doorkoodu ku ekaan doono inay tababaraan islamarkaana dhanka istaraatiijiyadda ka caawiyaan ciidamada Ciraaq iyo jamhadaha Kurdhishka ah ee difaacanaya magaalada Kobane. 

GAROWE ONLINE 

 

Related Articles

Israa’iil oo shan sano xabsi ku xukuntay askari lagu helay inuu basaas u ahaa Iran

Mas’uuliyiinta Israa’iil ma shaacin aqoonsiga askariga ama faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xogta uu la wadaagay Iiraan.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 10:51AM

Xuutiyiinta oo ku hanjabay inay “go’doomin” ku soo rogi doonaan Sacuudiga 

Weerarkii lagu qaaday Garoonka Caalamiga ah ee Sancaa ayaa yimid xilli xiisadda gobolka ay sii kordhayso.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 05:04AM