Dowladda Ingiriiska oo Safiir cusub usoo magacawday Somalia

Image

LONDON - Boqortooyadda Ingiriiska ayaa maanta oo Arbaco shaacisay in safiir cusub usoo magacowday Somalia, kaasi oo bedeli doona David Concar oo xafiiska joogay tan iyo 2016.

Ben Fender ayaa magacaabidiisa lagu xaqiijiyay war qoraal ah oo lagu daabacay bogga waaxda arrimaha dibadda ee dalka Ingiriiska, iyadoo lagu sheegay in Safiirka cusub uu la wareegi doono shaqada bisha Febuary ee 2019.

Danjire Ben Fender ahaa ah diblomaasi mudo dheer arrimaha dibadda kasoo shaqeeyay, oo ay kamid yihiin Iran, Falastiin, China, Afghanistan iyo France, oo wasaaradda arrimaha dibadda kala soo shaqeeyay.

Ben Fender ayaa ka hor inta aan loo soo magacaabin Safiirka Somalia hayay xilka madaxa siyaasadda amniga ee xafiiska arrimaha dibedda Ingiriiska, wuxuuna hore usoo noqday ku xigeenka safiirka UK ee dalka Iran.

Ingiriiska ayaa kamida dalalka sida dhaw u daneeya arrimaha Somalia, waxayna ku marti-gelisay London dhowr Shir oo arrimaha dalka, gaar ahaan colaadaha, dowlad-dhisida, dib u heshiisinta iyo arrimaha bini'aadnimada looga hadlay.

Safaaradda Ingiriiska ayaa ku taalla gudaha xarunta AMISOM ee Xalane, waxaana ka shaqeysaa oo kaliya arrimaha diblomaasiyadda ee ku wajahan Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiska Is-afgaradka Mareykanka iyo Iiraan: Maxaa ku jira, maxaase weli mugdi ku jira?

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob, isla markaana aan aad u dheereyn, ayaa diiradda…

  • Caalamka

    18-06-2026

  • 12:48AM

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM