Dowladna ma lahan, Daryeel Caafimaadna ma haysaan reer Afghanistan

Image

KABUL - Kaliya shan Isbitaal oo Afgaanistaan ​​ku yaal ayaa wali lagu daaweeyaa Bukaanada qaba COVID-19, iyadoo 33 kale albaabada la isagu dhuftay bilihii la soo dhaafay kadib markii ay soo wajahday dhakhaatiir iyo daawooyin la'aan, oo usii dheer qabooji la'aanta.

Tani waxay ku soo beegantay, iyadoo dalkan dhaqaalihiisa ku burburay colaadda ay dadkiisu khatar kororka sare, ee tirada kiisaska coronavirus-ka, oo aan lahayn dowlad awood leh oo wax ka qabata kadib markii midii hore xukunka ay Taliban ka tuureen August 2021.

Cisbitaalka kaliya ee ku yaalla magaaladda Kabul ee bixiya daaweynta COVID-19, shaqaaluhu waxay shaqeeyaan kaliya maalintii, maadaama habeenkii koronto jirin, sababtoo ah shidaal la'aan matooradii shaqeyn jiray.

Agaasimaha Isbitaalka, Dr Mohammed Gul Liwal, ayaa sheegay in wax walba ay ka maqan yihiin sida Ogsajiinta iyo dawooyinka.

Xarunta, oo lagu magacaabo Afgaanistaan ​​Japan Disease Disease Hospital, ayaa leh 100 sariirood. Qaybta COVID-19 way buux-dhaaftay, kadib marka uu fayrasku sii kordhay. Kahor dabayaaqadii January, Isbitaalku wuxuu helayay hal ama laba bukaan oo cusub oo coronavirus qaba maalintii.

Laakiin Labadii toddobaad ee la soo dhaafay, 10 ilaa 12 bukaan oo cusub ayaa la seexiyay maalin kasta.

"Xaaladdu maalinba maalinta ka danbaysa way ka sii daraysaa," ayuu yiri Liwaal, isaga oo ka hadlayay gudaha qol qabow leh.

Tan iyo markii Taliban ay la wareegeen dalka lix bilood ka hor, shaqaalaha isbitaalku waxay heleen mushaar hal bil oo keliya - bishii December 2021.

Burburka nidaamka Caafimaadka ayaa kaliya uga sii daray dhibaatada bini'aadantinimo ee dalka. Ku dhawaad ​​90 boqolkiiba dadku waxay hoos uga dhaceen heerka faqriga, iyo iyadoo qoysasku ay ku yar yihiin inay helaan cunto, ugu yaraan hal milyan oo carruur ah ayaa halis ugu jira gaajo.

Nooca cusub ee coronavirus-ka "Omicron" waxuu fara ba'an ku hayaa shacabka Afghanistan.

WHO waxay sheegtay in intii u dhaxaysay Janaayo 30 iyo Febraayo 5, shaybaarada Afgaanistaan ​​​​ay tijaabiyeen 8,496 muunado, kuwaas oo ku dhawaad ​​​​kalabar laga helay COVID-19. Tiradaasi waxay u tarjuntaa boqolkiiba 47.4 heerka togan, Ururka caafimaadka aduunka ayaa yiri.

WHO ayaa diiwaangelisay in ka badan 7,400 oo dhimasho ah iyo ku dhawaad ​​167,000 oo caabuq ah tan iyo bilowgii masiibada ku dhawaad ​​laba sano ka hor.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo ka Joojiyay Soomaaliya Fiisaha Cumrada 

Joojinta kumeel gaarka ah waxay khusaysaa dadka codsanaya fiisayaasha Cumrada iyo booqashada qoyska.

  • Caalamka

    29-04-2025

  • 08:01AM

Xisbiga Liberal ee Mark Carney oo Doorashadii Kanada Guul Ka Gaaray

Saadaasha guusha ayaa timid wax yar kadib markii la xidhay goobaha codbixinta ee dalka…

  • Caalamka

    29-04-2025

  • 03:45AM