​Duqayn kasocota magaalada Xalab

Image

XALAB, Syria- Duqayntii ugu xoogga badnayd ayaa maalintii Afraad kasocota magaalada Xalab halkaas oo ay ku suganyihiin kooxaha mucaaradka, waxaana duqaytaas waxyeello kasoo gaartay dad faro badan iyo ku dhawaad 20 guri oo la bartilmaameedsaday.

Warar laga helayo Xalab, ayaa sheegaya in duqayntaas lagu garaacayo goobaha ay ku suganyihiin mucaaradku, balse waxaa saamaynta ugu badan kasoo gaartay dad shacab ah.

Ugu yaraan 13 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen duqeyn ay mucaaradka la eegteen dhanka dowladda ay maamusho.

Lataliyaha arrimaha gargaarka UN ee Suuriya wuxuu sheegay in xaaladda bariga Xalab ay "meel quus ah gaartay", halkaas oo cuntada ay ku yartahay iyo xilliga qabowga oo bilaabanaya.

"Waxaan fahamsanahay in dhibaato ay ka taagan tahay guri kastaa, tobannaan kun oo qofna aysan haysan cunno," ayuu u sheegay Reuters, Jan Egeland.

Goob jooge la hadlay wakaaladda wararka ee AFP, ayaa sheegaya inay abidkooda arag howlgal noocaan ah, isagoo intaas ku daray in dadku aysan mari karin jidadka.

Wararku waxya intaas ku darayaan in la duqeeyay Isbital lagu xanaaneeyo carruurta oo ku yaalla Galbeedka magaalada Xalab, waxaana halkaas ku dhintay tiro dhallaan ah, halka kuwo kale dhaawacyo soo gaareen.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha, ayaa diraya qaylo dhaan xoog leh, waxayna diyaaradah Ruushka ku eedeeyeen inuu gumaadayo shacabka reer Syria.

Magaalada Xalab, ayaa tan iyo 2012 u kala qaybsanayd labo dhinac oo ay kala maamulaan mucaaradka iyo dowladda, balse waxaa sanooyinkii dambe ku socday duqayn dhinaca cirka ah.

Xalab, ayaa mar ahaan jirtay magaalada Ganacsiga iyo Warshadaha Syria, laakiin iminka waxay isu baday goob wehel la noqotay dhawaqa madaafiicda iyo dhiigga shacabka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM