Duqeyn ka dhacday meel ku dhaw Caasimadda Syria

Image

DIMISHIQ - Ciidamada Syria ayaa duqeeyay goob mucaaradka ay gacanta ku hayaan oo ku taalla duleedka magaalada Dimishiq ee caasimadda dalkaasi.

Afhayeen u hadlay militariga Syria, ayaa sheegay in duqeyn isagu jirta cirka iyo dhulka ay ka fuliyeen al-Hajar al-Aswad kahor inta aysan ciidamada duulaan ku qaadin magaalada.

Magaalada al-Hajar al-Aswad waxaa gacanta ku haya Daacish iyo jabhadda Nusra Front waxaana ay noqonaysaa goobtii ugu dambaysay oo ay ku sugan yihiin Mucaaradka oo ku dhaw Dimishiq.

Ciidamada Syria ayaa dhawaan la wareegay magaalada Guuta iyo deegaanka Duuma, halkaasi oo mudo 3 sano ah dagaal kula jireen xoogaga mucaaradka.

Ciidamada Syria ayaa hormaro ka sameeyay dagaalka ka dhanka ah Mucaaradka, kadib markii ay taageero ka heleen Ciidamada Ruushka iyo kuwa Iran.

QM ayaa sheegtay in dagaalka Syria oo socda sanadkii 7aad lagu dilay in ka badan 500,000 oo qof oo u badan shacab, iyadoo ay ku baraakaceen malaayiin kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Sharaa oo cambaareeyay weerarrada Israel ee ka dhanka ah Suuriya

Hadallada Al-Sharaa ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka Suuriya iyo Israel uu weli yahay mid xasaasi ah.

  • Caalamka

    23-09-2026

  • 01:31PM

Pentagon oo miiska saaray qorshe lagu dhimayo ciidamada Mareykanka ee Yurub

Tallaabadaasi waxay saameyn ku yeelan kartaa ciidamo Mareykan ah oo ku kala sugan dalal badan oo NATO ah.

  • Caalamka

    22-09-2026

  • 08:41PM