​Duqeyn khasaaro geystay oo ka dhacday Yemen

Image

Saraakiisha amniga dalka Yemen ayaa sheegay in uguyaraan 13 qof oo shacab ah ay ku dhinteen Duqeyn cirka ah oo ay fuliyeen Diyaaradaha Sacuudiga koonfurta dalkaasi.

Wakaalada Wararka AP ayaa sheegtay in duqeynta ay ka dhacday koonfur Bari ee magaalada xeebta ku taallo ee lagu magacaabo Xudayda.

Dadka lagu dilay weerarka ayaa waxaa ku jira carruur iyo haween, sida ay dhaqaatiirka magaalada Xudayda warbaahinta u sheegeen.

Magaalada uu weerarku ka dhacay ayaa lagu soo waramayaa inay maamulaan maleeshiyaadka shicada xuutiga ah ee Iran ay taageerto.

Ciidamada Xulufada Khaliijka Carabta ayaa howlgal ka billaabay dalka Yemen Bishii Maarso, 2015 kadib markii awooda lagala wareegay dowladda Madaxweyne Cabdul Rabi Mansuur Haadi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM