​Duufaan dad ku dishay Florida

Image

Duufaanta Matthew ayaa xirtay buundooyinka iyo waddooyinka Gobalka Florida ee Maraykanka, taa oo sababtay in kooxaha gurmadka degdega ah ay gaari waayaan dad ku dhaawacmay.

Meydadka laba qof ayaa laga helay guri ku yaalla gobolk Florida, halka laba qof oo kalena ay ku dhinteen ka dib markii ay ku soo dumeen geedo.

In kabadan hal milyan oo qof ayaa weli koronto la'aan ah, balse inta badan qeybaha gobolkaasi ayaa ka badbaaday duufaanta Matthew.

Duufaanta ayaa hadda tabar dhigtay, waxaana ay gaartay heerka labaad, ayadoo dabeysheeduna ay ku socoto 110 mayl saacadiiba.

Balse weli waxaa jirta cabsi laga qabo in daadad ka dhasha xeebta.

Way adagtahay in la saadaaliyo halka ay ku wajahantahay duufaanta, balse waxaa la filayaa in ugu dambeyn in ka laabato xeebaha Maraykanka 24-saac ee soo socda.

BBC

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM