​Edogan iyo Obama oo kawada hadlay AFgabigii Turkiga

Image

WASHINGTON- Hogaamiyaasha dalalka Turkiga iyo Maraykanka ayaa kawada hadlay afgambigii dhicisoobay oo todobaadkii hore ka dhacay dalkaasi, waxaana la sheegay inay kawada xaajoodeen arrimo xasaasi ah oo ku jirto codsiga xukuumadda Ankara ee ku aadan wadaadka lagu eedaynayo inuu ka dambeeyay afgambigaasi Fethullah Gulen.

Madaxweynaha maraykanka Barack Obama iyo  dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa kuwada hadlay khadka Taleefoonka.

Obama, ayaa sheegay in xukuumadda Washington diyaar la tahay sidii qayb uga qaadan lahayd baaritaan lagu sameeyo ciddi ka dambaysay agambigaasi, isagoo sheegay inay ku yaboohi doonaan khuburo arrintaasi ka shaqaysa.

Labada hoggaamiye, ayaa sidoo kale ka wada hadley codsiga Turkiga ee ku aaddan in loo so gacan geliyo wadaadka Turkigu uu ku eedeynaayo in uu ka dambeeyay isku dayga afgembiga dhicisoobey ee Fethullah Gulen.

Afhayeen u hadlay aqalka cad, ayaan faahfaahin rasmi ah ka bixinin waxa uu ka yeelaayo Mareykanka codsiga Turkiga u soo gudbiyay.

Turkiga ayaa shaqada ka joojiyay 15,200 oo macalimiin iskuulada iyo jaamacadaha.

Wasaarada waxbarashada ee Turkiga, ayaa ku eedeysay inay xiriir la lahaayeen Fathullah Gulen oo saldhigiisu yahay Maraykanka, oo ay dowladda Turkiga ku eedeynayso inuu ka danbeeyay afgambigii milatariga ee guuldaraystay.

Mr Gulen ayaa beeniyay inuu ku lug lahaa.

In ka badan 1500 oo gudoomiyayaasha jaamacadaha ayaa sidoo kale gudiga waxbarashada sare ay ku amartay in shaqada laga joojiyo.

Ra'iisalwasaaraha Turkiga Binali Yildirim ayaa balanqaaday inuu talaabo ka qaadi doono taageerayaasha Gulen.

Tan iyo wixii ka dambaysay Afgambigaas xukuumadda Ankara waxay xir-xirtay islamarkaana shaqada ka erisay in kabada 45,000 oo qof kuwaas lagu tuhmay inay xiriir la lahaayeen afgambigaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM