Egypt : mid kamid ah wariyeyaashii Al Jazeera oo lasii daayey

Image

February 1, 2015 (GO)- Waxaa dib xoriyaddiisa u helay Peter Greste oo ah wariye u dhashay Australia kana tirsan telefishinka Al Jazeera qeybtiisa ku hadasha luqadda Englishka.

Peter oo ay weheliyaan labo wariye oo isla Al Jazeera ka tirsan laguna kala magacaabo Baher Mohamed iyo Mohamed Fahmy waxay muddo 11 bilood ah ku jireen xabsi ku yaala xarunta dalka Masar ee Qaahira.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowlada Masar ayaa xaqiijiyey sii deynta Wariyaha iyagoo intaas raaciyey in loo musaafuriyey dalkiisa hooyo ee Australia.

Baher Mohamed iyo Mohamed Fahmy ayaa weli xiran, waxaase jirta rajo wanaagsan laga qabo in iyagana dhowaan lasii daayo.

Maamulka telefishinka Al Jazeera iyo guud ahaan bahda warbaahinta ee caalamka ayaa soo dhoweeyey in wariye Peter Greste 400 oo maalmood kadib dib xoriyadiisa u helay.

Bishii hore ee January, waxaa magaalada Garowe ka dhacay dibadbax kooban oo wariyeyaasha Puntland ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin xukunka sharci darrada ah ee maxkamad ku taalla dalka Masar ku ridey saddexda wariye ee ka tirsan Al Jazeera.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sadiq Khan: Muxuu Trump igu mashquulay anigoo duq magaalo ah, oo qol uga degay Maskaxdiisa?

Balse Sadiq Khan ayaa isagu jawaabtiisa ku sheegay: “Waxaan si weyn ugu faanayaa horumarka aan ka sameyneyno magaalada London.

  • Caalamka

    24-09-2025

  • 11:52AM

Muftiga Guud ee Sacuudiga, Sheikh Abdulaziz bin Abdullah Al-Sheikh, oo geeriyooday

Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed bin Salman – oo hadda gacanta ku haya maamulka maalinlaha ah ee dalka.

  • Caalamka

    24-09-2025

  • 08:12AM