Erdogan oo dalbaday in la dilo ninkii Muslimiinta ku laayay New Zealand

Image

Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erodgan ayaa dalbaday In New Zealand ay dib usoo celiso xukunnada dilka ee dalkaas, islamarkaana ay ku qaado Brenton Tarrant ah ninkii 50 qof ee muslimiinta ah ku dilay masaajiddo ku yaalla magaalada Christchurch.

“Waxaad si xun u dishay 50 ka mid ah walaalaheen. Waad mari doontaa ciqaabteeda, haddii aysan New Zealand ku marsiin” ayuu yiri Erdogan oo taageerayaashiisa la hadlayey ka hor doorashooyinka dowladaha hoose ee dalkaas.

“Baarlamanka New Zealand waxaa looga baahan yahay inuu qaado tallaabooyinka lagama maarmaanka ah” ayuu yiri Erdogan.

Toogashadii ka dhacday dalka New Zealand ayaa noqotay qeyb ka mid ah ololaha doorasho ee madaxweyne Erdogan.

Lisel Hintz oo xiriirka caalamiga ah ka dhigta Jaamacadda John Hopkins ee magaalada Baltimore ee gooblka Maryland, ayaa sheegtay in baahinta muuqaalkii toogashada oo lagu soo bandhigay ololaha Erdogan ayaa saacideyso Erdogan.

“Muujinta muuqaalka uu duubay ninkii toogashada fuliyey waa mid lagu muujinayo cabsida laga qabo muslim naceybka, laguna xoojinayo sumcadda Erdogan ee ah inuu yahay ilaaliyaha Muslimiinta.” Ayay tiri.

Dowladda New Zealand ayaa ka codsatay Ankara inay joojiso baahinta muuqaalka, hoosna u dhigto ka hadalka dhacdadan, taasi oo ay sheegtay inay horseedi karto weeraro ka dhan ah muwaadiniinta New Zealand.

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM