Erdogan oo ka hadlay Istanbul

Image

Kumanaan qof ayaa taageero u muujiyay dowladda Turkiga, iyaga oo isugu soo baxay Istanbul, Ankara.Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa kasoo muuqday telefishin gaar loo leeyahay isaga oo ay ku hareereysan yihiin taageerayaal badan kuna sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Istanbul.

Mr Erdogan ayaa sheegay in kuwa ka dambeeyay afgembiga u muuqda inuu dhicisoobay, ay muteysan doonaan ciqaab adag. Waxa uu intaa ku daray in hadda loo baahan yahay “nadiifinta ciidanka qalabka sida ee dalkaasi”. 

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Binali Yildirim, ayaa sheegay in xaaladda dalka ay “inta badan gacanta ugu jirto dowladda” ka dib markii ay qeyb ka mid ah milateriga sheegeen in ay la wareegeen xukunka dalka. 

Waxaa hadda hawada dib ugu soo laabtay telefishinka ay dowladda leedahay ee TRT, kaasoo ay ciidanka gadoodsan ka jeediyeen fariintooda. 

Weriyaha warka baahisay ayaa sheegtay in qori lagu hayay marka ay akhrineysay. Kumannaan qof oo diidan isku-dayga afgembi ayaa isugu soo baxay wadooyinka Istanbul iyo Ankara. 

Wakaaladda wararka ee Anadolu ayaa sheegtay in 17 askari oo boolis ah lagu dilay xarunta ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Ankara. 

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, John Kerry, ayaa telefoonka kula hadlay dhigiisa Turkiga, waxaana uu u sheegay in Maraykanka uu taageersan yahay dowladda dimuqraadiga ah ee Turkiga. 

Waxaa taageera noocaasi ah Turkiga u muujiyay dalalka Jarmalka, Ruushka, iyo Qatar.

BBC

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM