​Eritrea oo madaxbanaanideeda u dabaal dagtay

Image

Dowladda Eritrea, ayaa maanta u dabaal dagtay 25 sano guuradii kasoo wareegtay waqtigii ay Ethiopia ka heleen madaxbanaanidooda, kadib 30 sano oo ay ku jireen dagaal adag.

Kooxaha udooda xuquuqda aadanaha ayaa Eritrea ku dhalliila in aanay ka jirin dimuqaraadiyad iyo xuriyatul qowl, iyo weliba askareyn khasab ah oo badanaa qaata muddo sanada ah.

Sida ay muujinayso xogta Midowga Yurub, dadka ugu badan ee Yurub qaxa ku galay waxa ay ka tageen dalka Eritrea, iyagoo ahba muhaajiriinta ugu badan ee Afrika ka tagay.

Balse, xuskii maanta ayaa looga hadlay sidii Eritrea uga sii wadi lahayd hormarka ay haysato, iyadoo la is-xasuusiyay taariikhdii mugdi ahayd ee ay soo mareen iyo dhibaatadii ay kala kulmeen dowladdii awoodda badnay ee Ethiopia.

Majirto cid si madax banaan ugasoo warami karta dalkaasi, iyadoo ay adag tahay in la helo xaqiiqda ka jira, maadama xukuumadda Asmara ay cadaadis saarto warbaahinta madaxa bannaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM