Essebsi oo ku guuleystey doorashadii madaxtinimada Tunisia

Image

December 23, 2014 (GO)- Murashaxii xisbiga (Tunisian Call) Beji Caid Essebsi ayaa ku guuleystey doorashadii madaxtinimada ee dalka Tunisia.

Essebsi oo 88 jir ah ayaa helay 55.68% oo u dhiganta 1.7 milyan oo ah guud ahaan codadkii la dhiibtey halka murashaxii kale ee la tartamayey ee Moncef Marzouki uu isna helay 44.32% una dhiganta 1.3 milyan oo cod.

Beji Caid Essebsi oo aragtidiisa siyaasadeed tahay mid cilmaani ah wuxuu noqonaya madaxweynihii ugu horreeyey ee si xor ah loo soo doorto laga soo bilaabo markii uu dalka Tunisia madax banaanidiisa ka qaatay France 1956.

Tan iyo 1956kii dalka Tunisia wuxuu soo yeeshay labo madaxweyne oon midkoodna dadku si xor ah usoo dooran kuwaasoo kala ahaa: asaasihii Tunisia-yada cusub Habib Bourguiba iyo Zine  El Abidine Ben Ali oo isagu sanadkii 1987 af-gembi aan dhiig ku daadan xukunka kula wareegey.

Sanadkii 2011 ayaa kacdoon dadweyne oo ka bilowday Tunisa kuna baahay dhammaan dalalka Carabta oo loogu magac adaray (Gugii Carabta) waxaa xukunka looga tuuray Zine El Abidine Ben Ali. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM