Falastiin oo cambaareysay go'aanka Mareykanka

Image

Afhayeen u hadlay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas, ayaa cambaareeyey go’aanka Mareykanka ee ah in hadda kadib uusan Daanta Galbeed, Marinka Gaza, iyo Buuraha Golan Heights ugu yeeri doonin “Dhul la haysto”

Nabil Abu Rudeineh ayaa tallabadan ugu yeeray “sii wadidda siyaasadda cadaawadda ku dhisan ee maamulka Trump uu ku wajahayo dadka Falastiiniyiinta, si aan waafaqsaneyn qaraarada QM”

Bayaan ay baahisay wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA ayuu ku sheegay in isbeddelkan uu qeyb ka yahay qorshaha madaxweyne Donald Trump uu ku “baabi’inayo” qadiyadda Falastiiniyiinta.

Trump ayaa la filayaa in bilaha soo socda uu shaaca ka qaado qorshihiisa nabadda ee Israel iyo Falastiin, inkasta oo hoggaanka Falastiiniyiinta ay joojiyeen xiriirkii ay la lahaayeen Washington, kadib markii Trump uu 2017-kii magaalada Qudus u aqoonsaday caasimadda Israel.

Falasiiniyiinta ayaa rumeysan in qorshaha Trump ee soo socda uu u xaglin doono Israel.

Related Articles

Trump oo Ku Hanjabay Canshuuro Cusub oo ka Dhan ah Yurub, Kuna Xiray Arrinta Greenland

Trump, oo marar badan muujiyay rabitaankiisa ah in Mareykanku la wareego Greenland …

  • Caalamka

    17-01-2026

  • 06:32PM

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM