Falastiiniyiinta oo dib ugu laabanaya waqooyiga Gaza

Image
Image
Image
Image

GAZA - Kumanaan qof oo barakacayaal ah oo reer Falastiin ah ayaa maanta dib ugu laabanaya guryahooda oo ku yaala waqooyiga Qasa, kuwaas oo u xirnaa khilaaf soo kala dhex galay Xamaas iyo Israa'iil.

Sabtidi ayay ahayd in dadkaas reer Falastiin ay ku laabtaan guryahooda. Tiro dad ah ayaa Sabtida iyo Axadda isku soo baxay, kuwaas oo diyaar u ahaa inay jaraan masaafo dhan 7 kilomitir(4.3 meyl), dhulkaas oo ay Israa'iil maamusho.

Balse Israa'iil ayaa u diiday dadka reer Falastiin inay maraan marinkaas kadib markii Xamaas ay dib u dhigtay siideynta gabar la yiraahdo Arbel Yehub Sabtidi.

Israa'iil iyo Xamaas ayaa haatan ku heshiiyay in Khamiista la siidaayo Yehud iyo lahaystayaal kale oo labo ah, iyadoo Xamaas ay soo bandhigtay cadeyn muujineysa in Yehud ay nooshahay.

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM