Faragelinta shisheeye ee Soomaaliya oo walaac laga muujiyay

Image

ADDIS ABABA - Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa walaac xooggan ka muujiyay faragelinta dalalka aan Afrikaanka ahayn ay ku hayaan arrimaha dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Midowga Afrika Muuse Faki Maxamed ayaa sheegay in fara-gelinta shisheeyaha khatar ku tahay dedaalada nabada loogu soo dabaalayo Soomaaliya, oo mudo ku dhaw 30 sano ay colaado ka socdaan.

Isagoo aan carabka ku dhufan dalalka ay yihiin kuwa ka baxsan Africa ee faragelinta ku haya Soomaaliya, ayuu Muuse Faki ugu baaqay dhamaan wadamada shisheeye inay iska ilaaliyaan wax walba oo dhaawacaya horumarka sida dhibka badan ay ku gaartey Soomaaliya.

Wuxuu dhanka kale u mahadceliyay AMISOM, oo uu ku amaaney doorkooda naf-hurnimada leh ee dalka Soomaaliya, halkaasi oo mudo 10 sano ah kula dagaalamayaan Al-Shabaab oo ah kooxda oo khatarta amni ku haysa gobolka Geeska Africa.

Sidoo kale, Safiirada Midogw Yurub u fadhiya dalalka Geeska Africa ayaa qabo walaac kan lamid ah, oo ah ka muujiyeen saameynta Khilaafka dalalka Khaliijka ee Soomaaliya, oo ah dal dowladda ka jirta ay yahay mid taag-darran.

Alexander Rondos, oo ah Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan gobolka ayaa sheegay in saameyn toos ah ay Xiisadda Khaliijka ku yeelatay Geeska Africa, halkaasi oo horey uga jireen dhibaatooyin kale oo amni la'aan iyo bini'aadanimo, gaar ahaan Soomaaliya.

Hadalkaan kasoo yeeray labadaan masuul ayaa imaanayaa iyadoo Soomaaliya ay ku loolamayaan dalalka Khaliijka kadib khilaafkii soo kala dhex-galay June 5, 2017, iyadoo xukuumada Muqdisho lagu eedeyay inay dhinac la safatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Zohran Mamdani oo la filayo inuu noqdo Duqa ugu horreeya ee Muslim ah ee New York: Taariikh cusub 

Mamdani wuxuu ku dhashay Kampala, caasimadda Uganda, sanadkii 1991. Waalidkiis waxay asal ahaan ka soo jeedaan Hindiya.

  • Caalamka

    26-06-2025

  • 10:26AM

Trump: Weerarkii Mareykanka ee Iran waxuu la mid ahaa duqeyntii Hiroshima iyo Nagasaki

Diblomaasiyiin badan iyo falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegay in isbarbardhigga Trump u sameeyay Hiroshima.

  • Caalamka

    25-06-2025

  • 11:23AM