FBI-da oo shaacisay cidda amartay shirqoolka lagu dilay Jamal Khashoggi

Image

WASHINGTON, US – Hay'adda Sirdoonka Mareykanka ee loosoo gaabiyo FIB ayaa soo gabagabeysay baaritaan ay ku sameyneysay dilka wariye Jamal Khashoggi.

Wargeyska Washington Post oo xogtaan baahiyey ayaa wuxuu sheegay in natiijadda ay ku cadaatay in dhaxal-sugaha Sacuudiga uu amray dilka.

Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaameysa in Maxamed bin Salmaan uu dhageysaneyey goorta uu dilku dhacayey.

Jamaal, oo ahaa saxafi Sacuudi ah balse deganaa Mareykanka, ayaa bishii October lagu dhex-khaarijiyey Qunsulyada Sacuudiga ee magaaladda Ankara.

Dilkiisa ayaa sababay cambaareyn caalami ah, wuxuuna kamid noqday mawaadiicda ugu waaweyn caalamka ee lagu gorfeeyo shirarka muhiimka ah.

Marxuumka oo geeridiisa ay kasoo wareegatay sanad ayaa aragti ahaan wuxuu aad uga soo horjeeday Maxamed bin Salmaan.

Wiilka boqorka Sacuudi Carabiya ayaa dhowaan shaaciyey in uu qaadanay mas'uuliyadda sababo ku aadan in uu xafiiska joogo.

Qaramadda Midoobay ayaa mar sii horeysay waxay soo jeedisay in baaritaan lagu sameeyo doorka uu bin Salman ku lahaa dilka wariyaha.

Jamal Khashoggi oo Qunsulyadda u galay si uu uga soo qaato qoraalo Aroos ayaa sidoo kale wuxuu ahaa mid maqaalo si joogto ah ugu qori jiray Washington Post.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran: Waa ka fekeraynaa Wadahadallada Mareykanka

Araghchi ayaa sheegay in Iran aysan diyaar u ahayn inay si dhakhso ah u bilowdo wadahadallo cusub sida uu Trump.

  • Caalamka

    02-07-2025

  • 12:56PM

Go’aanka Trump oo Laga Digay inuu Keeni Karo Khasaaro Ba’an

Saameynta ugu weyn ayaa la arkay cudurrada la iska hortegi karo sida HIV/AIDS oo dhimashadiisu hoos ugu dhacday 74%.

  • Caalamka

    01-07-2025

  • 05:21PM