Gaaskii ugu badnaa oo la helay

Image

31 Augusto, 2015(GO)-Baaritaan shidaal oo laga sameeyay dalka Masar ayaa markii ugu horeysay waxa lagu helay mid ka mid ah Gaaskii ugu badnaa adduunka ee dabiici ah.

Shirkad Talyaani ah oo qaabilsan dhanka shidaalka ee Eni ayaa sheegatay inay ka heshay gaaska 1,450m dhulka hoostiisa, ahna meel balaarkeedu yahay 100 sq km, waxaana ku jiri kara qiyaastii 5.5 bilyan oo barmiil shidaal u dhigma.

Shirkadan ayaa la saxiixatay  wasaarada batroolka ee Masar heshiis qiimahiisu yahay $2 bilyan kaasi oo u ogolaanaya inay shidaal ka baaraan Sinai, Gacanka Suez, Nile Delta iyo Mediterraniyanka.

Eni ayaa sheegtay in saldhiga Zohr inuu noqon karo kan ugu wayn ee gaas dabiici ah laga helay, wuxuuna Masar ka caawin karaa gaaska ay ubaahan tahay tobanaan sanadood.

GAROWEONLINE+WAKAALADAHA

Related Articles

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Riyadh

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in duulimaadyada ku wajahnaa garoonka Riyadh ay leexdaan.

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 11:46AM

Sucuudiga: Saddex qof oo ku dhintay weerarro Xuutiyiintu ku qaadeen garoomo diyaaradeed

War-saxaafadeed ka soo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in weerarkii lagu qaaday…

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 02:40AM