Gabar Saxafiyad ah oo dabagallka ku caan baxday oo dilay

Image

Booliiska dalka Bulgaria ayaa baaritaan ku haya dilka loo gaystay Viktoria Marinova oo ah gabadh saxafiyad ah oo samayn jirtay barnaamijyo dabagal ah.

Maydkeeda ayaa laga helay xarun lagu nasto oo ku taalla magaalada Ruse, goobtaas oo u dhaw wabiga River Danube Sabtidii.

Lama oga in dilka gabadhan 30 jirka ah uu la xiriiro shaqadii ay ka haystay telefishinka dalkaas ka hawlgala ee TVN, waxaana socda baaritaan ku saabsan nolosheedii khaaska ahaa iyo midkeedii shaqo.

Cambaarayn caalami ah ayaa durba ka dhalatay dilkeeda.

“Aad baan uga argagaxay dilka Bulgaria loogu gaystay Viktoria Marinova oo ah saxafiyad barnaamijyada dabogalka ah samayn jirtay,” ayuu Twitterka ku soo qoray Harlem Desir oo ah wakiilka xoriyadda warbaahinta u qaabilsan ururka iskaashiga ammaanka ee Yurub.

“Waxaan si degdeg ah ugu baaqaynaa in si buuxda baaritaan loogu sameeyo dilkan”. Dadka masuulka ka ahna lala xisaabtamo. Ayuu intaas ku sii daray Harlem Desir

Marinova ayaa ah saxafigii saddexaad ee magac leh ee lagu dilo Midawga Yurub sannadkii hore iyo midkii afraad ee la dilo tan iyo billowgii 2017kii.

Related Articles

Heshiiska Is-afgaradka Mareykanka iyo Iiraan: Maxaa ku jira, maxaase weli mugdi ku jira?

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob, isla markaana aan aad u dheereyn, ayaa diiradda…

  • Caalamka

    18-06-2026

  • 12:48AM

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM