Gabar Somali ah oo loo dhaariyay Aqalka dowladda Hoose ee Leuven, Belgium

Image

BELGIUM - Gabadhii ugu horeysay ee asalkeedu Soomaaliya yahay ee kamid noqota Aqalka dowlada Hoose ee magaalada Leuven ee dalka Belgium-ka ayaa shalay oo Khamiis ahayd waxaa loo dhaariyay xubinimada Gollahaasi.

Sahra Khaliif Maxamed, oo 21-sano jir ah, ayaa ku guuleysatay doorashada bishii October ee sanadkii hore 2018, markaasi oo ay baal-dahab ah ka gashay taariikhda siyaasada wadankaan Yurub ka tirsan.

Xabsiga Belgian Socialist Party [SPA] ayay Sahra ka tahay xubin buuxda, waxaana guusheeda ay ka dhigaysaa inay noqotay Haweenaydii ugu horeysay ee Muslim ah ee guul noocaan oo kale soo gaarta.

Guusha Sahra ayaa sare uqaadaysa liiska shaqsiyaadka Muslimiinta ee sanadkii hore guulaha waawayn caalamka ka gaarey, oo ay ku jiraan qaar badan oo asalkoodu yahay Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.

Sahra iyo qoyskeeda ayaa dalka Belgium ku galay qaab Qaxooti ahaan kadib markii Soomaaliya ay ka qaraxday colaad sokeeye, taasi oo uu wadanku haatan ku howlan yahay sidii uu kaga soo kaban lahaa.

Wareysi ay horey u bixisay ayay ku shaacisay Sahra inay rajeynayso inay maalin-un soo booqdaan iyada iyo ehelkeeda dhulkooda Hooyo.

"Tv-yadda ayaan ka daawadaan..waxaan rajaynayaa inaan tago mar un, oo aan ugargaaro dadka dalkeyga,” ayay tiri Sahra, oo intaasi raacisay inay xasaanada ay heshay uga faa’ideyn doonto Soomaalida.

Sahra iyo kuwa kale ee iyadda lamidka ah ee xilalka ka haya dalalka reer Galbeed ayaa caqabada ugu wayn oo ay wajahayaan waxay tahay Islaam naceybka oo sanadihii ugu dambeeyay kusii xoogaysanayay wadamadaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiska Is-afgaradka Mareykanka iyo Iiraan: Maxaa ku jira, maxaase weli mugdi ku jira?

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob, isla markaana aan aad u dheereyn, ayaa diiradda…

  • Caalamka

    18-06-2026

  • 12:48AM

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM