Gabar uu dhalay madaxwayne hore oo lagu xukumay xabsi
TEHRAN, Iran - Gabar uu dhalay madaxweynihii hore ee waddanka Iran, Akbar Hashemi Rafsanjani, ayaa lagu xukumay shan sano oo xarig ah, sidda uu warbaahinta maxaliga ah u sheegtay qareenadeeda.
"Xukunka ka dhanka ah Faezeh Hashemi ma ahan mid kama dambeys ah,” ayay qareenada, Neda Shams, tiri. "Faezeh ayaa weli ku jirta xabsiga, waxaana jira kiisas kale oo iyada ka dhan ah".
Hashemi waxaa sannadkii hore soo eedeeyay dacwad oogaha guud ee Tehran isagoo lagu eedeeyay "dacaayad ka dhan ah nidaamka," sida ay qortey wakaaladda wararka ee dawladda ee ISNA.
Bishii Sebtembar ayaa la qabtey isla markaana loo gudbiyey xabsiga Evin, sida ay sheegtay ISNA oo aan wax fahfaahin dheeraad ah ka bixin qodobadda lagu soo eedeeyay.
Iran ayaa xabsiga dhigtay bilihii la soo dhaafay tiro dad ah oo caan ah oo ay ku jiraan qoraa iyo gabayaa Mona Borzouei, fanaanada Shervin Hajipour iyo ciyaaryahan kubada cagta Iran Hossein Mahini.
Tobankii sano ee la soo dhaafay, Hashemi ayaa dhowr jeer xabsiga loo taxaabay ka dib markii at sheegtay hadalo ka dhan ah dowladda isla markaana uu ka qeybgalay mudaaharaadyada.
Faezeh Hashemi ayaa waxay xabsiga ku qaadatay bilo kadib markii 2012 loo xiray hadallo ka dhan ah dowladda. Rafsanjani wuxuu dhintay 2017 isagoo 82 jir ah.
Aabaheed ayaa ku caanbaxay la dagaalanka siyaasadaha u jaranjeera reer galbeedka sanad kadib dhamaadkii dagaalkii Iran iyo Ciraaq. Nidaamka hadda jira oo fikirkaas xambaarsan ayaa xormeyn xorriyada hadalka.
GAROWE ONLINE