Gabar uu madaxwayne dhalay oo diiday xil sare oo uu aabaheed la rabay

Image

WASHINGTON, US – Gabdha uu dhalay madaxweynaha Mareykanka ayaa xaqiijisay in ay iyaddu diiday xil sare oo uu aahabeed la rabay.

Jagadaan ayaa ah gudoomiyaha Bankiga Aduunka. Booskaasi oo banaanaa muddo badan ayaa la buuxiyay todobaadkaan.

Donald Trmup ayaa inantiisa Ivanka waxa uu waydiiyay hadii ay quudareenayso xilkaasi, maadaama ay xisaabaadka ku fiican tahay.

Ivanka oo u warantay wakaalada wararka ee AP ayaa tiri: "Xilka aan hadda hayo iyo in aan isaga la shaqeynayo ayaan ku farax-sanahay.

Gabadhaan ayaa waxay haatan tahay lataliye sare oo Aabaheed kala talisa arrimaha dhaqaalaha iyo guud ahaan shaqooyinka ku hareeraysan.

David Malpass oo ay ganacsade reer Mareykan ah kaasi oo ay isku dhow yihiin Trump ayaa loo magacaabay hogaamiyaha Bankiga.

Ivank Trump oo arrimaha dumarka u ol'olaleysa ayaa todobaadkii hore socdaal ku timid dlka Itoobiya, iyada oo qaar kamida wadamada qaaradana cagta sii marineysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiska Is-afgaradka Mareykanka iyo Iiraan: Maxaa ku jira, maxaase weli mugdi ku jira?

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob, isla markaana aan aad u dheereyn, ayaa diiradda…

  • Caalamka

    18-06-2026

  • 12:48AM

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM