Gabdho qorsheynayay dilka sagaal ruux oo lagu xiray Mareykanka

Image

FLORIDA, US – Laba gabadh oo 14-sano jir ah kuwaasi oo abaabulayay dilka Sagaal ruux ayaa lagu xiray gobolka Florida, wadanka Mareykanka.

Ardaydaan oo dhigta dusiga dhexe ee Avon Park ayaa haatan ku xabsi xili lagu wado in maxkamad lasoo taago.

Warbaahinta Mareykanka ayaa tabineysa in barre xiligaasi xiisad ku lahaa ardayda oo maamulka iskuulka kusoo war-geliyey arrintaan.

Macalinka ayaa lagu waramayaa in uu boorsada ardayda ka helay qoraal muujinaya in ay isku dabaridayeen weerar.

"Ha furin, waxaa ku jira macluumaad qaas ah," ayay laba hablood ku qeylinayay xiliga uu macalinka ka qaaday boorsada.

Lama ogga hadii qorshahooda uu ahaa mid xiriir la leh kooxaha argagixisada. Balse, baarayaasha ayaa aaminsan aysan taasi jirin.

"Warqadaha waxaa ku qornaa in ay helaan marka hore Hub … balse ma aysan jadwaleen goorta ay dadka dilayaan," ayuu yiri baraha.

Toogashooyinka ayaa sanadihii ugu dambeeyay ka ahaa Mareykanka dhacdooyin maalinleh, taasi oo loo aaneeyay sharciga haysashada qoryaha oo fudud awgeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM