​Ganacsiga Islii oo maalintii labaad xiran

Image

NAIROBI, Kenya- Ganacsiga Islii ee dalka Kenya ayaa xiran maalintii labaad kadib markii cabasho laga muujiyay dad warato ah iyo kuwo kale oo caqab ku noqday gancsiga kuwaasoo muddooyinkii dambe kusoo badanayay xaafaddaasi.

Shir jaraa'id oo ay shalay qabteen ganacstada Somalida waxay ku sheegeen inay shaqada joojin doonaan muddo saddex casho iyagoo dowladda ka dalbaday inay wax ka qabato xaaladda taagan.

Muwaadiniinta ayaa ku dhaliilay dowladda Kenya inaysan waxba ka qaban baahidooda iyagoo bixinaya canshuurta ku waajibtay.

Waxay sidoo kale dhaliileen nafaadda xaafadda oo ay sheegeen inay aad u liidato.

Suuqa xiran ayaa ah goobaha ugu mashquulka badan caasumadda Nairobi, waxaana maanta la dareemay xirnaansha ay sameeyay dadka gancsiyada kuleh.

Waxaa socda waan waan u dhaxeeyay shacabka gadooday iyo Xildhibaanada lagasoo doorto xaafadaasi kuwaasoo raadinaya xal kabadalan midka lagu xiray suuqa.

Qaar kamid ah dadka ku ganacsada suuqa ayaa sheegay in waxyaabihii ay ku gadi jireen carwooyinkooda lagu hayo bannaanka taasina ku noqotay caqabad, waxayna dalbadeen in boosas gooni ah loo sameeyo dadkaasi.

Bulshada ku xiran dukaamada ku yaalla xaafadda ayaa tilmaamay inay dareemeen xirnaansha, waxayna dalbadeen in deg deg loo xalliyo waxa jira.

Sannadkii 2012 ayay ahayd markii Somali badan la xir-xiray taasoo keentay in lacago badan suuqaasi ka baxaan maadama cabsi laga muujiyay xaaladda nagaansho.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Ku Hanjabay Canshuuro Cusub oo ka Dhan ah Yurub, Kuna Xiray Arrinta Greenland

Trump, oo marar badan muujiyay rabitaankiisa ah in Mareykanku la wareego Greenland …

  • Caalamka

    17-01-2026

  • 06:32PM

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM