Geelle oo Ku Guuleystay Doorashada Dalka Djibouti

Image

Xukumadda Djibuiti ayaa ku dhawaaqday in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu ku guulestay doorashada Madaxtinimo ee ay dadka reer Djibouti shalay u dareereen.

Sida lagu sheegay war saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Djibouti, Mr. Geelle ayaa helay 68.68 boqolkiiba codadkii ay dadku dhiibteen, isagoo ku guuleystay wareeggii hore ee doorashada.

Murashaxa ku soo dhow Cumar Cilmi Kheyre ee ka tirsan dalalla mucaaradka ee USN ayaa helay 7.32 boqolkiiba.

Murashixiinta kale ayaa iyana kala helay: Maxamed Dauud Shixin 2.28% Maxamed Muuse Cali 1.53%, Xasan Idiris Axmed 1.39%, Jamac C.raxman Jamac 0.79%. 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Djibouti Hassan Omar Mohamed, ayaa guusha Mr. Geelle u xaqiijiyay VOAda. 

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa waxa uu Madax ka ahaa Djibouti muddo 17 sanadood ah, waana madaxweynaha labaad ee uu dalkaasi yeesho tan iyo markii ay xorriyadda ka qaateen dalka Faransiiska sanadkii 1977kii. 

Laakiin Mucaaradka ayaa ku eedeeya inuusan wax badan ka qaban shaqa la’aanta dalka Djibouti ka jirta. 

Sida uu sheegay Bangiga Aduunka, Boqolkiiba 20 dadka Djibouti ayaa ku nool saboolnimo hooseeysa. 

Qaar ka mid ah axsaabta mucaaradka ayaa waxa ay qaadaceen doorashadan, halka kuwo kalena ay ku tilmaameen mid ku dhacday cadaal darro.

VOA

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM