Geerida Kayla Mueller oo la xaqiijiyey

Image

February 11, 2015 (GO)- Dowlada Maraykanka ayaa xaqiijisey geerida haweeney u dhalatay dalka Maraykanka taasoo in muddo ah u afduubneyd kooxda IS balse todobaadkii hore kooxdaasi shaacisey inay ku dhimatey duqeyn dhanka cirka ah oo diyaaradaha Jordan geysteen.

War-saxaafadeed kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in Maraykanku baaritaan kadib xaqiijiyey warka sheegaya geerida haweeneydaas oo ka shaqeyneysey arimaha samafalka.

War-saxaafadeedka waxaa sidoo kale lagu sheegay in Maraykanku xaqiijin karin in haweeneydaas lagu diley duqeyn diyaaradaha Jordan geysteen iyo in kooxda IS khaarijisey.

Kayla Mueller oo 26 jir ahayd taaso laga soo bilaabo sanadkii 2011 ka shaqeyneysey arimaha samafalka, waxaa bishii August ee sanadkii hore laga afduubtey magaalada Aleppo ee dalka Syria.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa cambaareeyey dilka Mueller isagoo sheegay in cadaaladda la hor keeni doono kuwii diley.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM