Germany: burburinta derbigii Berlin oo la xusayo

Image

November 9, 2014 (GO)- Dalka Germany waxaa laga xusayaa sanad guuradii 25aad ee kasoo wareegtey markii la dumiyey derbigii kala qaybin jirey magaalada Berlin November 1989. Burburinta derbigaas ayaa dhabaha u xaartey inay midoobaan Jarmalkii waqooyi iyo midkii koonfureed.

In ka badan boqol kun oo qof ayaa socod ku maray goobtii horay derbigu uga dhisnaan jirey oo dhererkeedu yahay 15km. Hareeraha jidkaas waxaa laga taagey tiirar dusha sare looga xiray buufino cad cad oo tiradooda lagu sheegay 6900 oo xabo.

Hogaamiyaha Germany haweneyda lagu magacaabo Angela Merkel ayaa shacabka ugu hambalyeysey munaasabadan oo ah mid sanad kasta si weyn loo xuso, iyadoo sheegtay in go'aankii lagu dumiyey derbigu ahaa mid geesinimo leh islamarkaana ka turjumayey baahida xiligaas loo qabey xoriyad, midnimo iyo nidaam maamul oo dimuqraadi ah.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa isna dhankiisa munaasabadan ugu hambalyeeyey dowladda iyo dadweynaha Jarmalka, isagoo xusay in caalamku wax badan ka bartay dalka Germany.

Jarmalkii waqoyi iyo  midkii koonfureed ayaa midoobay October 3, 1990 xiligaasoo ku beegnaa 11 bilood kadib markii la dumiyey derbigii kala qaybin jirey magaalada Berlin. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ilhan Omar oo sheegtay inaysan aamusi doonin kadib markii la baaray gurigeeda

Omar, oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga lagana soo doorto gobolka Minnesota, ayaa cambaareysay baaritaanka.

  • Caalamka

    12-10-2026

  • 05:05PM

Sacuudiga: 12 ku dhimatay weerar gantaal oo lagu qaaday garoonka Riyadh

Garoonka ayaa markale la bartilmaameedsaday Sabtidii, waxaana gebi ahaanba laga…

  • Caalamka

    11-10-2026

  • 02:53AM