Giriiga oo waqti kama dambeys ah loo qabtay

Image

Wadamada ku jira dallada Eurozone-ka, ayaa Giriiga u qabtay ugu dambeyn maalinta Jimcaha in uu kusoo bandhigo qorshe faahfaahsan oo wax looga qabayo deymaha dalkaasi loo haysto.

Dhammaan hogaamiyayaasha Midowga Yurub, oo ay ka mid yihiin kuwa aan ku jirin dallada Eurozone-ka, ayaa maalinta Axada kulan degdeg ah ka yeelan doona xiisadda dhaqaale ee hareysay Giriiga.

Ra'iisul wasaaraha Giriiga, Alexis Tsipras, ayaa sheegay in madaxda dalalka Yurub uu u gudbiyay qorshaha dowladdiisa ee ku aaddan qaanbixinta.

Gudoomiyaha Gudiga Midowga Yurub, Donald Tusk, ayaa sheegay in Midowga Yurub uu hadda marayo xaaladdii ugu adkeyd ee soo marta tan iyo markii la asaasay.

Madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande, waxa uu sheegay in ay la tahay in weli heshiis laga gaari karo xiisadda ka dhalatay deymaha Giriiga.

XIGASHO: BBC

Related Articles

Sagal Cabdi-Wali oo ku Guuleysatay Kursigii Baarlamaanka ee Keir Starmer

Sagal Cabdi-Wali ayaa si aqlabiyad leh uga guuleysatay hoggaamiyaha Xisbiga….

  • Caalamka

    09-10-2026

  • 05:45AM

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Riyadh

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in duulimaadyada ku wajahnaa garoonka Riyadh ay leexdaan.

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 11:46AM