Jahwareer siyaasadeed oo ka dilaacay Talyaaniga

Image

ROMA, Italy – Ra'iisul wasaarihii Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa is casilay taas oo la macno ah in ay su'aal galeyso in uu awood u yeelan doono sameynta iyo hogaaminta dowlad wadaag cusub, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee ka howlgasha wadankaas.

Conte ayaa si xoogan waxaa loogu dhaleeceeyay sidda uu u maareeyay dhibaatada safmareenka Coronavirus, ee ay ku dhinteen in ka badan 85,000 oo Talyaani ah.

Mr Conte wuxuu la kulmay madaxweyne Sergio Mattarella, oo laga yaabo inuu ka codsado inuu soo dhiso dowlad ka xoog badan. Toddobaadkii hore wuxuu lumiyay aqlabiyaddii Aqalka Senate-ka.

Laakiin qof kale ayaa noqon kara Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga, ama doorasho deg deg ah ayaa lagu dhawaaqi doonaa.

Professor-ka sharciga, oo madax ka ahaa dowladihii isbahaysiga ilaa 2018, wuxuu istiqaaladiisa u gudbiyay madaxweynaha. Haatan Mr Conte wuxuu qalalaasaha siyaasadeed kala hadlayaa hogaamiyaha Senate-ka, Elisabetta Casellati.

Mattarella ayaa la filayaa inuu laba maalmood wadahadal la galo madaxda xisbiyada, maadaama madaxweynaha ay u taalo go’aanka tallaabada xigta.

Sidda lagu sheegay war qoraal ah oo xafiiskiisa kasoo baxda, madaxweynaha ayaa bilaabi doona la tashiyada hogaamiyaasha xisbiyada galabnimada Arbacada, halka Conte uu codsaday in uu sii ahaado sii haye inta wadahadaladu socdaan.

Laakiin mar haduu raiisul wasaare iscasilo Talyaaniga, lama hubo in isbaheysi cusub uu yagleelmi karo, had iyo jeerna waxaa qatar ah in doorashooyinka waqtigooda laga soo horumariyey ay kusoo nbaxaan natiijooyin aan macquul ahayn.

Xisbiyada ugu waaweyn ee xukuma waddanka Talyaanigu ayaa waxay ka digeen in doorashooyinka deg degga ah, oo qabsoomaya laba sano kahor waqtigooda rasmiga ah, ay noqon karto wadada kaliya ee looga bixi karo jahwareerka siyaasadeed hadii aan xal degdeg ah loo helin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM