Go’aanka Trump oo Laga Digay inuu Keeni Karo Khasaaro Ba’an

Image

MOGADISHU, 1-da Luulyo — Go’aanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ah in si weyn loo yareeyo kaalmooyinka bani’aadamnimada ee dalkaasi ayaa laga digay inay keeni karto dhibaatooyin waaweyn oo caafimaad iyo nololeed.

Daraasad cusub oo lagu daabacay joornaalka caalamiga ah ee “The Lancet” ayaa sheegtay in hoos u dhaca 83% ee maalgelinta Mareykanka ee gargaarka caalamiga ah uu sababi karo in in ka badan 14 milyan oo qof ay u dhinteen illaa sanadka 2030.

Cilmi-baareyaasha ayaa ku tilmaamay in dhimashadaas dheeraadka ah ay ka mid yihiin in ka badan 4.5 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka hooseyso shan sano, taasoo u dhiganta qiyaastii 700,000 oo carruur ah oo sanad walba ay u geeriyoodaan.

Daraasadda ayaa sidoo kale muujisay in barnaamijyada ay maalgeliso USAID ay ka hortageen ilaa 91 milyan oo dhimasho ah dalalka dakhligoodu hooseeyo iyo kuwa dakhligoodu dhexeeyo intii u dhexeysay 2001 ilaa 2021.

Barnaamijyada taageerada USAID ayaa sabab u noqday hoos u dhac dhan 15% oo guud ahaan dhimashada, iyadoo dhimashada carruurta da’doodu ka hooseyso shan sano ay hoos u dhacday 32%.

Saameynta ugu weyn ayaa la arkay cudurrada la iska hortegi karo sida HIV/AIDS oo dhimashadiisu hoos ugu dhacday 74%, duumada (malaria) oo hoos u dhacday 53%, iyo cudurrada aan si fiican loo maareyn ee gobollada ay ka jiraan oo hoos u dhacay 51%.

Warbixinta ayaa ku baaqday in si degdeg ah dib loogu celiyo taageerada bani’aadamnimada si loo badbaadiyo malaayiin noloshooda iyo mustaqbalkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM