Goob madaxda Ururka IS ku shirayeen oo la duqeeyey

Image

November 9, 2014 (GO)- Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanka ayaa sheegay in diyaaradaha isbahaysigu duqeeyeen goob ku dhow magaalada Mosul ee dalka Ciraaq, halkaasoo qaar kamid ah hogaamiyeyaasha Ururka Daacish (IS) shir ku lahaayeen.

Faah faahin dheeri ah lagama bixin duqeyntaas iyo khasaaraha dhabta ah ee kasoo gaarey kooxda, haseyeeshee waxaa la xaqiijiyey in lagu burburiyey ku dhowaad toban gaari oo nooca dagaalka ah.

Dhanka kale waxaa jira warar aan rasmi ahayn oo sheegaya in goobta duqeynta lala bartilmaameedsaday  ku sugnaayeen saraakiil uu kamid yahahay hogaamiyaha sare e IS Abu Bakr Al-Baqdadi.

Maraykanka oo kaashanaya dhowr dal oo ka kala tirsan Midowga Yurub iyo Bariga Dhexe ayaa bilihii u dambeeyey duqeymo dhanka cirka ah ku wadey fariisimaha kooxda Daacish oo iyadu xillian gacanta ku haysa qaybo badan oo kamid ah dalalka Ciraaq iyo Syria.

Shalay ayey ahayd markii Madaxweyne Barack Obama ogolaaday in ciidamada Maraykanka ee jooga dalka Ciraaq lagu kordhiyo 1,500 oo askari, si ay qayb uga noqdaan dagaalka ka dhanka ah kooxda IS.

Dowlada Maraykanku wuxay horay u sheegtay in askarteedu dagaalka si toos ah qayb uga noqon doonin, haseyeeshee doorkoodu ku ekaan doono inay tababaraan islamarkaana dhanka istaraatiijiyadda ka caawiyaan ciidamada Ciraaq iyo jamhadaha Kurdhishka ah ee difaacanaya magaalada Kobane.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM