Goormaa la furayaa Safaaradda Maraykanka ee Qudus?

Image

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay waqtiga ay furayso xarunta Safaaradda ay ku leeyihiin dalka Israel ee loo wareejinayo magaalada Barakaysan ee Qudus.

War kasoo baxay waaxda arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa lagu sheegay in bisha May dowladda Maraykanku safaaradeeda u wareejin doonaan Qudus, qorshahaas oo markii hore dhaliyay muran xoog leh kadib xilli bishii December uu Madaxweyne Donald Trump magaaladaas u aqoonsaday xaasimadda Yuhuudda.

Waqitiga la furayo Safaaraddan ayaa lagu aadiyay xuska 70 sano guuradii kasoo wareegtay markii la aas-aasay Israel, taasoo Falastiiniyiintu u yaqaaniin "Musiibo" ama Nakba.

Qorshahan lagu shaacinayo xilliga la furayo Safaaradda USA ee Qudus, waxaa soo dhaweeyay dowladda Israel, waxaana Ra'isal wasaare Benjamin Netanyahu uu sheegay inay tahay arrin lagu farxo iyo maalin weyn oo usoo hoyatahay shacabkiisa.

Dhinaca kale waxaa ka horyimid tallaabadan dowladda Falastiin oo sheegtay inay tahay Gardarro cad oo aan geed loogu soo gaban, taasoo ah duullaan lagu qabsanayo dhulka barakaysan ee Muslimiinta.

Arrinta Qudus waxay xuddun u tahay dagaalka u dhexeeya Israa'iil iyo Falastiin, taasoo ka hor imaanaysa heshiis labada dhinac wada-gaareen 1993, kaasoo dhigay in xaalka magaalada looga doodo kulamo kale.

Balse wixii waqtigaas ka dambeeyay Yuhuudu waxay wadeen deegaamayn cusub oo ay ka samaynayaan Bariga magaalada Qudus, waxaana la shaaciyay in kabadan 200,000 qof in Guryo looga dhisay.

Qudus ayaa gacanta Israel gashay sannadkii 1967, waxaana wixii xilligaas ka dambeeyay Yuhuudu u arkayeen in magaaladan ay tahay mid iyagu ay leeyihiin. Qudus oo ah meel Barakaysan waxaa loollan xoog leh uga dhaxeey Muslimiinta, Yuhuuda iyo Masiixiyiinta.

Si kastoo ay tahay Caalamku wuu ka horyimid tallaabada Maraykanku uu qaaday iyado waliba lagu cambaareeyay shir caalami ah, waxayna Caasimadda Israel u aqoonsanyihiin magaalada Tel Aviv oo ay ku yaallaan safaaradahoodu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM