Guddiga Mareykanka u qaabilsan ka hortagga Coronavirus oo la kala dirayo

Image

WASHINGTON, US - Aqalka Cad ayaa qorsheynayaa inuu todobaadyo gudahood uu ku soo afjaro shaqada guddiga ka hortagga Corona, iyadoo dalkaasi uu weli faro ba'an ku haayo xanuunka covid-19.

Aqalka Cad ayaa wajahaya cadaadis ku aadan doorashada sanadkan dalkaasi ka dhici doonta iyo dhaqaalaha dhulka galay.

Afar iyo labaatankii saacadood ee la soo dhaafay, in kabadan laba-kun iyo saddex boqol oo qof ayaa dhintey.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xilli uu booqday warshad Arizona ku taalla oo lagu sameeyo maskaraatiga afka iyo sanka lagu duubto yiri dalkeena dib ayaan u soo celinaynaa.

Saraakisha Caafimaadka Mareykanka ayaa ka digay in fayraska uu sii faafo iyadoo dalkaasi laga bilaabay in ganacsiyada qaar dib loo furo.

Mareykanka ayaa haatan waxaa laga xaqiijiyay 1.2 milyan oo kiis iyo in ka badan 70,000 oo dhimasha ah sida laga soo xigtay tirakoobka Jaamacadda Hopkins ee ku taal Baltimore.

Booqashada madaxweynaha ee warshadda ayaa imaneysa iyadoo uu toddobaadyo uu ku sugnaa Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo. Waxa uuna weriyaasha u sheegay in Guddiga la dagaalanka Coronvirus iyo madaxweyne ku xigeenka Mike Pence ay shaqo wanaagsan qabteen balse ay haataan tahay in isbedal lagu sameeyo iyadoona markaan laga duulayo badqabka iyo dib u furidda ganacsiyada dalka.

Dadka wax dhaleeceya ayaa madaweynaha ku eedeeyay inuu ku qamaarayo caafimaadka dad-weynaha Mareykanka isagoo aad u daneynaya dib u furidda dhaqaalaha Mareykanka iyadoo bisha Novembar lagu wado iney dalkaasi ka dhacdo doorashada madaxtinimada.

Gobollo badan oo Mareykanka ka tirsan kuwaasi oo ogolaaday in ganacsiyada qaar dib loo furo, ayaa haatan waxaa lagu arkayaa kiisas cusub oo coronavirus ah, waxaana ka mid ah gobolladaasi Texas, Minnesota, Tennessee, Kansas, Nebraska iyo Indiana.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay'adda Maareynta Musiibooyinka ee Federaalkaa in bisha soo socota ay in ka badan 3,000 oo qof ay maalintii u dhiman karto fayraska Corona.

Balse Aqalka Cad ayaa gaashaanka u daruuray warbixintaasi isagoo ku tilmaamay mid aan sax ahayn.

BBC

Related Articles

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Elon Musk kadib markii uu dhisay xisbiga cusub ee "American Party"

Muranka ka dhashay miisaaniyadda qarashka dowladda ayaa sababay kala fogaansho weyn oo u dhexeeya Trump iyo Musk.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 05:49AM