Guterres oo xil u magacaabay mas'uul kasoo shaqeeyey Soomaaliya

Image

NEW YORK, US – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa Philippe Lazzarini u magacaabay maamulaha guud ee Hay'adda gargaarka UN-ka ee Qaxootiga Falastiyiin taasoo loo garan-og-yahay UNRWA.

Lazzarini ayaa bedelaya Christian Saunders kaasoo si ku meel gaar ah u hayey jagadaas kadib is-casilaadda Pierre Krahenbuhl.

Antonio Guterres, madaxa Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa, ayaa doorkiisa shaqo kaga mahadceliyey mudane Saunders.

Krahenbuhl ayaa xafiiska baneeyay ka gedaal markii laga gudbiyey warbixino isaga dhan ah, taasoo keentay in lagu riixo is-casilaada.

Mas'uulka cusub, Lazzarini, ayaa haysta waaya-aragnimo in ka badan 30-sano oo ku saabsan arrimaha bini'aadanimadda iyo isku-xirka caalamka goobaha ay colaaduhu ka jiraan iyo kuwa kasoo kabanaya.

Goobahaas wuxuu uga soo shaqeeyay Qaramada Midoobay, Laanqeyrta Cas iyo Hay'adda gaar loo leeyahay, sidda xafiiska warfaafinta Guterres uu ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saarey.

Tan iyo sanadkii 2013-kii, wuxuu isu-duwe arrimaha bini'aadanimadda uu kasoo ahaa wadamadda Soomaaliya iyo Lebanon.

Lazzarini ayaa Qaramada Midoobay ku biiray 2003-dii, wuxuuna kasoo shaqeeyay qeybo kala duwan oo ururkaas caalamiga ah.

UNRWA ayaa haatan gacanta ku haysa gargaarka in ka badan shan milyan oo Falastiyiin ah, oo ku nool Jordan, Lebanon, Suuriya si lamid ah Daanta Galbeed iyo Gaza.

Is-casilaada Krahenbuhl ayaa dharbaaxo kulul ku noqotay hay'adda, oo mar sii horeysay la daalaadhaceysay kaalmadii uu ka jartay Mareykanka, oo ahaa deeq-bixiyaha ugu weyn, wallow cambaareyn uu kala kulmay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Elon Musk kadib markii uu dhisay xisbiga cusub ee "American Party"

Muranka ka dhashay miisaaniyadda qarashka dowladda ayaa sababay kala fogaansho weyn oo u dhexeeya Trump iyo Musk.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 05:49AM