Hadi oo Cadan ka baxsadey iyo Xuuthiyiinta oo kaabiga ku haya

Image

March 25, 2015 (GO)- Madaxweynaha Yemen Abd-Rabbu Mansour Hadi ayaa ka baxsadey hoygii uu ka degenaa magaalada Cadan kaddib markii ay magaaladaas duullaan kusoo qaadeen mileeshiyaadka Xuuthiga oo taageero ka helaya ciidamo taabacsan madaxweynihii hore Cali Cabdallah Saalax.

Wasiirka Arimaha Gudaha Yemen ayaa sheegay in Madaxweynuhu ku sugan yahay meel aamin ah oo isla magaalada Cadan ka tirsan, haseyeeshee warar madax bannaan ayaa sheegaya in Abd-Rabbu iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirradu u baxsadeen dhanka dalka Sucuudiga.

Xaaladda magaalada Cadan ayaa ah mid kacsan waxaana maanta duleedka magaalada ka dhacay dagaal u dhexeeya mileeshiyaadka Xuuthiga iyo ciidamada dowladda oo garabsanaya ciidamo beeleed taageersan xukuumadda Hadi.

Dhanka kale, Xuuthiyiinta ayaa goor hore oo maanta ahayd la wareegey saldhig ciidamada cirka Yemen ku leeyihiin meel magaalada Cadan 60km dhanka waqooyiga kaga beegan.

Wasiirkii Gaashaan-dhigga Yemen oo la qabtey:

Wasiirka Gaashaan Dhigga YemenMileeshiyaadka Xuuthiga ayaa gelinkii hore ee maanta gacanta ku dhigey Wasiirkii Gaashaan-dhigga ee dalka Yemen Mahmoud al-Subaihi.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo qaabka Wasiirka loo qabtey, balse warar madax bannaan ayaa sheegaya in mid kamid ah ilaaladiisu dhaawacay kadibna isagoo dhaawac ah duleedka Cadan lagu qabtey. Mileeshiyaadka Xuuthiga ayaa sidoo kale qabtey nin ay walaalo yihiin Madaxweynaha Yemen.

Al- Subaihi ayaa magaalada Cadan soo gaarey March 8, 2015 kaddib markii uu kasoo baxsadey caasimadda Sanca.

Yemen oo dalbatey fara gelin militeri:

جانب من التعزيزات الأمنية في مدينة عدن للتصدي لمسلحي جماعة الحوثي الساعين لبسط سيطرتهم على المدينة (غيتي)Warqad uu Madaxweyne Hadi u qoray xubnaha Golaha Ammaanka oo nuqul kamid ah warbaahintu heshay ayaa lagu sheegay in dhamman dadaalladii nabadeed ee la doonayey in lagu qaboojiyo xiisadda dalka Yemen ka taagani ay fashilmeen, sidaas darteedna loo baahan yahay faragelin militeri oo ka timaada dhanka wadamada Khaliijka iyo dalalka kale ee Carabta.

Haddii Golaha Ammaanku ogolaado dalabka dowladda Yemen, waxaa suurogal ah in ay dalka Yemen tagaan ciidamo isku-dhaf ah oo ka socda dalalka ku bahoobey Khaliijka Carabta.

Mileeshiyaadka Shiicada ah ee Xuuthiga oo la rumeysan yahay inay taageero dhaqaale iyo mid militeriba ka helaan dalka Iran ayaa todobaadyadii u dambeeyey la wareegey magaalooyin muhiim ah oo Sanca iyo Ticiz kamid yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Falastiini-Mareykan ah oo Ku Geeriyooday Weerarkii New Orleans

Aabbaha Kareem, Belal Badawi, ayaa ku shaaciyay bartiisa Facebook geerida…

  • Caalamka

    03-01-2025

  • 08:35AM

Kuma Ayuu Ahaa Matthew Livelsberger, Askarigii Isku Qarxiyey Las Vegas?

Shir jaraa’id oo ay qabteen, Taliyaha booliska Clark County Kevin McMahill iyo saraakiil FBI…

  • Caalamka

    03-01-2025

  • 08:01AM