Hal qof ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday hawlgal ballaaran oo ICE ka wadeen Minneapolis

Image

Minneapolis — Hal qof ayaa geeriyooday kaddib markii sarkaal ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka (ICE) uu toogtay haweeney lagu eedeeyay inay baabuurkeeda u adeegsatey hub, xilli ay socotay hawlgal ballaaran oo lagu bartilmaameedsanayo socdaalka sharci-darrada ah oo ka dhacay magaalada Minneapolis.

Afhayeenad u hadashay Waaxda Amniga Gudaha (DHS), Tricia McLaughlin, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dhacdadu ka dhacday Arbacadii xaafad deggenaansho oo ku taalla Minneapolis, halkaas oo sarkaal ICE ah uu rasaas ku furay haweeney ku jirtay gaari.

“Sarkaal ICE ah, isagoo ka baqaya naftiisa, nolosha saraakiisha kale ee fulinaya sharciga, iyo badbaadada dadweynaha, ayaa riday rasaas is-difaac ah,” ayay McLaughlin ku qortay barteeda X.

Dhanka kale, Duqa Magaalada Minneapolis, Jacob Frey, ayaa ku eedeeyay sarkaalka inuu si “taxaddar la’aan ah” u toogtay haweeneyda, isaga oo sheegay in hawlgallada socdaalka ay “qalqal gelinayaan magaalada.” Wuxuu sidoo kale dalbaday in ICE ay si degdeg ah uga baxdo magaalada iyo guud ahaan gobolka, isagoo xusay in maamulkiisu garab taagan yahay bulshooyinka muhaajiriinta iyo qaxootiga.

Toogashadan ayaa calaamad u noqotay koror halis ah oo ku yimid hawlgallada fulinta socdaalka ee ka socda magaalooyin waaweyn oo Mareykanka ah, kuwaas oo hoos yimaada maamulka Madaxweyne Donald Trump. Magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis iyo St Paul ayaa tan iyo Talaadadii ku jiray xaalad kacsanaan ah, kaddib markii DHS ay shaacisay hawlgal ay ka qeyb qaadanayaan ilaa 2,000 sarkaal, kaas oo la xiriira eedeymo la sheegay oo ku saabsan khiyaanooyin lala xiriiriyay dad asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya.

Kaddib dhacdada, dad badan oo mudaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay goobta toogashadu ka dhacday, iyagoo muujiyay caro iyo cambaarayn ay u jeedinayaan saraakiisha federaalka iyo kuwa maxalliga ah. Mudaharaadayaashu waxay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid yihiin “Ceeb! Ceeb!” iyo “ICE ka bax Minnesota!”

Goobta ay toogashadu ka dhacday waa xaafad dhexdhexaad ah oo ku taalla koonfurta bartamaha Minneapolis, dhowr baloog u jirta suuqyo ay ku badan yihiin ganacsiyada muhaajiriinta, isla markaana qiyaastii 1.6 kiiloomitir u jirta goobtii uu boolisku ku dilay George Floyd sanadkii 2020—dhacdo dalka oo dhan ka dhalisay mudaharaadyo ballaaran iyo dood qaran oo ku saabsan cadaaladda iyo adeegsiga awoodda booliska.

GAROWE ONLINE 

Related Articles