Haweenay xaamilo ah iyo curudkeeda oo lagu dilay Mareykanka
WASHINGTON, US – Muran qoys balse ugu dambeyntii dhaliyay geerida hooyo 8-bilood oo xaamilo ah, Sara White iyo cudurkeeda oo 16-sano jir ah, Arkeyvion White.
Dhimashada labada qof ayaa ka dambeysay kadib is-marin-waa u dhaxeeyay bilayska iyo nin hubeysan oo guriga ku haystay dhibanayaasha.
Dableyga oo magaciisa lagu sheegay Anthony Tony Bailey oo 49-sano jir ah ayaa ahaa saaxiibka Sara White.
Wali lama ogga waxay sababay in ay is qabtaan laamahaan, reerkuna wali ma aysan soo bandhigin sheekada dhabta ah.
Booliska oo loogu yeeray guriga in uu jiro muran reerka dhexdiisa ayaa yimid hoyga iyada oo meel walba uu dhiig yaalo, balse looma sheegin sababta.
Markii uu Booliska yimid guriga Sara White ayaa kasoo cabaadeysay geerishka hoyga halkaasi oo uu Bailey ku haystay si lamid ah wiilka.
Sarkiil boolis oo isku dayay in ay jebiyaan albaabka ayaa la kulmay rasaas ay ku dhaawacmeen tirro askar ah.
Kadib 15-saac oo ay laamaha amaanka la hadlayeen, dableyga ayaa diiday in uu wiilka dibada u soo saaro.
Aakhiritaankii meydadkooda ayaa qolal kala duwan oo guriga kamid ah laga soo saarey, iyada oo dableyda uu ku jiray qolka jiifka.
Dhacdadaan ayaa todobaadkii hore laga soo tabiyay degmada Stockbridge ee ka tirsan magaaladda Georgia ee dalka Mareykanka.
"Ma garan karo sida aan u socono in aan sameyno," ayay tiri White hooyadeed Kathie White. "Waxaan eegaynaa in aan korsano wiil kale."
White oo la filayay in ay umusho todobaadyada soo aadan ayaa reerkeedu waxay qorsheeyay in ay qubeys layaab leh u sameeyaan ubadka cusub.
Hasayeeshee, waxa ay haatan ku howlan yihiin duugta gabadhooda, oo ay ku tilmaameen mid aad u naxariis badan oo dulqaad leh.
"Ubadka cusub magacii xitaa waa loo bixiyay … waana Antonio," ayay hadalkeeda kusii dartay hooyada dhashay White oo aad u qiireysneed.
Booliska ayaa sheegay in saraakiisha dhaawacantay lala tacaalayo xaaladooda caafimaad, ayna u rajeynayaan soo kabasho degdega ah.
Sikastaba, masiibada ku habsatay qoyskaan ayaa aad looga hadal-hayaan guud ahaan Mareykanka iyo dunida inteeda kale, waxayna noqotay mawduucyada koowaad.
GAROWE ONLINE