Hay’adda Bisha Cas ee Iiraan: Ma jirto cid ka badbaaday shilka diyaaradda

Image
Image
Image
Image
Image

TEHRAN, Iran - Hay'adda Bisha Cas ee Iiraan ayaa shaacisay in aysan jirin cid ka badbaaday shilka diyaaradeed ee ka dhashay diyaarad ka duushay garoonka Tehran.

War qoraal ah oo hay'addu soo saartay ayaa lagu yiri "ma muuqato fursad lagu heli karo cid badbaaday, 170 rakaab ah iyo shaqaale saarnaa way dhinteen gebigooda".

Illaa iyo haatan si rasmi ah looma xaqiijin karo sababta dhabta ah ee ka dambeysa burburka diyaaradda oo timid iyaddoo ay xoogeysatay xiisada Iiraan iyo Mareykanka.

Talafishinka Qaranka Iiraan ayaa baahiyey in dhacdadaan ay la xiriirto "cilad farsamo" oo ku timid diyaaradda wax yar kadib markii ay duushay, wallow la baari doono.

Shirkadda diyaaradaha Ukraine, oo xulafo dhow la ah maamulka Donald Trump, ayaa iska leh diyaaradda oo kusii jeeda magaaladda caasimadda ah ee Kiev.

Boeing, shirkadda farsameysay diyaaradda, ayaa xustay in ay soo bandhigi doonto tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan jinsiyadaha rakaabka duulimaadka.

Shilkan ayaa noqonaya mid kamid ah kuwii ugu dhimashada badnaa 2020, iyaddoo 2019-kii uu ahaa mid kamid ah sanadadii ugu waxyeelada badnaa shilal diyaaradeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fatahaadda Texas: 46 Qof oo Geeriyooday, 27 Carruur ah oo Weli La La’yahay

Waxaa la filayaa in dowladda dhexe ay ku dhawaaqdo xaalad degdeg ah si gacan looga helo gurmadka iyo taageerada dadka ay masiibadu saameysay.

  • Caalamka

    06-07-2025

  • 05:17AM

Elon Musk oo si rasmi ah u daahfuray Xisbiga "America Party" isagoo dhaleeceeyay labada xisbi ee waaweyn

Xaaladda ayaa kacsatay kadib markii Musk uu ku hanjabay inuu maalgelin doono musharrixiin kasoo horjeeda kuwa taageeray sharcigaasi.

  • Caalamka

    05-07-2025

  • 09:05PM