Heshiis 100 sano ah oo shidaalka Venezuela ah oo Mareykanka siinaya 55% saamiga

Image

WASHINGTON, D.C. — Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay heshiis shidaal oo taariikhi ah oo soconaya 100 sano, kaas oo uu la galay madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee Venezuela, Delcy Rodríguez.

Heshiiska ayaa Mareykanka siinaya gacan ku haynta aqlabiyadda iyo xuquuqda horumarinta 17 goobood oo shidaal, kuwaas oo lagu qiyaasay inay leeyihiin 65 bilyan oo foosto oo kayd shidaal oo la xaqiijiyay ah.

Donald Trump ayaa sheegay in dowladda Mareykanku ay heshay gacan ku haynta inta badan ee shirkad iskaashi ah oo maamuli doonta kayd shidaal oo la xaqiijiyay oo ka badan 65 bilyan oo foosto oo ku yaalla Venezuela.

Heshiiskan ayaa qeyb ka ah dadaalka maamulka Trump uu ku doonayo in shirkadaha tamarta ee Mareykanka dib loogu soo celiyo Venezuela, kaddib sannado ay dalkaasi ka jireen cunaqabateyn, maalgelin yari iyo burbur ku yimid kaabayaasha warshadaha shidaalka.

Sida lagu sheegay heshiiska, dowladda ku-meel-gaarka ah ee Venezuela ayaa shirkadda iskaashiga ah siisay ruqsad 100 sano ah oo ay ku shaqeyn karto goobaha shidaalka ee heshiisku khuseeyo.

Dowladda Mareykanka ayaa la sheegay inay gacanta ku hayso 55% saamiga mashruuca, iyadoo saamigaasi ka imanaya isku darka lahaanshaha shirkadda iyo awoodda ay ku iibsan karto shidaalka qiimaha wax-soo-saarka.

Maamulka Trump ayaa sheegay in heshiisku soo jiidan karo ku dhowaad $100 bilyan oo maalgashi gaar loo leeyahay, kordhin karo sahayda shidaalka ee Mareykanka, isla markaana muddo ka dib gacan ka geysan karo hoos u dhigidda qiimaha tamarta.

Washington ayaa sidoo kale sheegtay in heshiisku uusan wax kharash ah ku keenayn canshuur-bixiyeyaasha Mareykanka.

Heshiiska ayaa daboolaya ku dhowaad shan meelood meel kaydka shidaalka Venezuela, oo lagu qiyaaso in ka badan 300 bilyan oo foosto oo kayd la xaqiijiyay ah, taas oo Venezuela ka dhigaysa dalka leh kaydka shidaalka ee ugu weyn dunida.

Si kastaba, wax-soo-saarka shidaalka Venezuela ayaa hoos u dhacay muddo dheer sababo la xiriira maalgelin yari, kaabayaal burburay, cunaqabateyn iyo tallaabooyinkii dowladda ee lagu qaran-daray hanti ay lahaayeen shirkado shisheeye.

Ilaa hadda lama shaacin magaca shirkadda gaarka loo leeyahay ee noqonaysa hawlwadeenka mashruuca iskaashiga ah.

Shirkado ay ka mid yihiin Chevron, Repsol iyo Eni ayaa weli hawlo ama dano ganacsi ku leh Venezuela, halka shirkado kale oo waaweyn oo shidaal ay ka taxaddarayaan inay dib ugu laabtaan dalkaasi, kaddib markii dowladdii madaxweynihii hore Hugo Chávez ay qaran-dartay qaar ka mid ah hantidii shirkadaha shisheeye.

Heshiiskan ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo Mareykanku doonayo inuu dib ugu furo warshadaha shidaalka Venezuela maalgashiga shisheeye.

Arrintan ayaa timid kaddib hawlgalkii milatari ee Mareykanka ee dhacay bishii Janaayo, kaas oo Washington ay sheegtay inuu sababay in madaxweynihii Venezuela Nicolás Maduro xukunka laga qaado, iyadoo Delcy Rodríguez loo magacaabay madaxweyne ku-meel-gaar ah.

Heshiiska ayaa haddii uu hirgalo noqon kara mid si weyn u beddela qaabka loo maamulo kheyraadka shidaalka Venezuela, iyadoo Mareykanku isku dayayo inuu door weyn ku yeesho soo saarista iyo dhoofinta shidaalka dalkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaalka Iran oo Su’aal Geliyay Awoodda Mareykanka ee Ka Hortagga khataraha Shiinaha iyo Ruushka

Hub kale oo sax ah iyo gantaallo hagitaan leh ayaa sidoo kale si weyn loo isticmaalay intii uu socday dagaalka Iran.

  • Caalamka

    29-08-2026

  • 05:52AM

Dagaalkii Iran oo hoos u dhigay kaydka gantaallada Patriot ee Mareykanka

Sarkaalka ayaa intaas ku daray in awoodda difaaca ay xitaa xaddidnaan lahayd haddii Ruushku qaado hal weerar oo noocaas ah.

  • Caalamka

    27-08-2026

  • 04:33PM