Heshiiska Gaza: Guul Diblomaasiyadeed mise Bilowga Dhamaadka Netanyahu?
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku tilmaamay heshiiska xabbad-joojinta Gaza iyo sii daynta la haystayaasha “maalin weyn” iyo guul u soo hoyatay istiraatiijiyaddiisa diblomaasiyadeed iyo tan milatari, balse heshiiskan cusub ayaa laga yaabaa inuu noqdo bilowga dhamaadka maamulkiisa.
Inkasta oo inta badan bulshada Israa’iil ay soo dhoweysay heshiiska uu Mareykanku dhex-dhexaadiyey, haddana xulafadiisa siyaasadeed ee xagjirka ah ayaa si adag uga hor timid qodobada heshiiska, kuwaas oo dhigaya in Israa’iil ay sii dayso ku dhowaad 2,000 oo maxaabiis Falastiini ah, 250 ka mid ahna ay yihiin kuwo lagu xukumay xabsi daa’in dambiyo argagixiso awgeed.
Sida laga soo xigtay warbixinta, siyaasiyiinta xagjirka ah ee Israa’iil — oo muddo dheer ku haminaayay in Gaza la qabsado oo laga saaro Falastiiniyiinta si ay halkaas uga dhisaan degsiimooyin Yuhuud ah — waxay u arkaan heshiiskan mid ka dhan ah yoolkooda. Heshiiska ayaa sidoo kale ku qasbaya Israa’iil in ay joojiso dagaalka iyada oo aan gebi ahaanba la burburin ururka Xamaas, isla markaana aan la qabsan dhulka Gaza.
Arrintan ayaa khatar gelisay taageerada siyaasiyiinta xagjirka ah ee Netanyahu uu ku tiirsanaa tan iyo markii uu dagaalku bilowday bishii Oktoobar 2023. Wasiirka Maaliyadda Bezalel Smotrich ayaa qoraal uu ku daabacay baraha bulshada ku sheegay in “In uusan diidaneyn ” in la is weydaarsado la haystayaasha balse joojinta dagaalka, waxaa uu ku tilmaamay guul ay Xamaas sheeganeyso.
Heshiiska ayaa si fudud ugu gudbay golaha wasiirrada Israa’iil subaxnimadii Jimcaha, inkasta oo ay diideen labada xisbi ee xagjirka ah ee uu hoggaamiyo Smotrich iyo wasiirka amniga gudaha Itamar Ben-Gvir. Labaduba way diideen heshiiska balse ma aysan iscasillin, taasoo muujinaysa in Netanyahu si ula kac ah u qariyey faahfaahinta dhabta ah ee heshiiska.
Inkasta oo qorshaha uu soo jeediyay Madaxweyne Trump uu ka kooban yahay 20 qodob oo dhisaya nabad waarta Bariga Dhexe, Netanyahu wuxuu ku adkeysanayaa in la gaaray keliya “marxaladdii koowaad” — taas oo ah is weydaarsiga la haystayaasha iyo maxaabiista, iyo in ciidamada Israa’iil dib loo raro. Qodobada kale sida ka bixitaanka dhulka Gaza, hub-ka-dhigista Xamaas, iyo maamulka caalamiga ah ee cusub ee la qorsheeyay weli lama gaarin ayuu leeyahay.
Sida uu sheegay sarkaal mucaarad ah, “su’aasha dhabta ahi waa: yaa oran doona dagaalku wuu dhammaaday?” Wuxuu intaas ku daray in inta Netanyahu sii ballanqaadayo inuu dagaalka dib u bilaabi karo, aysan jirin sabab kooxaha xagjirka ah u ridaan dowladdiisa.
Si kastaba ha ahaatee, urur ay ku mideysan yihiin qoysaska askarta Israa’iil ee dagaalka ku dhintay ayaa sheegay in inkasta oo ay soo dhoweynayaan soo celinta la haystayaasha, haddana Israa’iil “ay tahay inay markiiba dib u bilowdo duqeynta Xamaas si gebi ahaanba loo tirtiro.”
Dhanka kale, dadka ku dhow Netanyahu ayaa sheegay in uu isagu diyaar u yahay in uu dagaalka soo afjaro, xitaa haddii ay taasi la micno tahay in uu waayo xukuumaddiisa taasoo sababeysa in dalku u dareero doorasho hore.
Nadav Shtrauchler, oo ah xeel-dheere siyaasadeed oo hore ula soo shaqeeyay Netanyahu, ayaa sheegay in “wakhtigu ku habboon yahay in la soo afjaro dagaalka hadda.” Wuxuu tilmaamay in Israa’iil ay hore u qaaday weerarro Iran , sidoo kale ay socoto suurtagalnimada heshiisyo la xiriira dalal sida Sacuudi Carabiya marka Donald Trump uu yimaado Israa’iil dhamaadka toddobaadkan.
Waxaa la filayaa in doorashooyinka Israa’iil la qabto ugu dambeyn bisha Oktoobar 2026, balse mucaaradku waxay aaminsan yihiin in ay dhici karto ka hor — March ama ugu dambayn June sanadka dambe.
Dadka reer Israa’iil ayaa si weyn u taageeray heshiiska, halka taageerada ugu ballaaran ay u muuqatay mid uu helay Donald Trump, kaas oo hadda loo arko siyaasiga ugu caansan Israa’iil. Qoysaska la haystayaasha la sii daayay oo la ooyay farxad bartamaha Tel Aviv ayaa sheegay inay “ugu mahadcelinayaan Madaxweynaha Mareykanka” sababtoo ah wuxuu “nagu soo celiyay waxa aan u maleynay inaan weligeen heleyn.”
Marka la soo koobo, Netanyahu wuxuu helay nasasho siyaasadeed oo ku meel gaar ah, balse heshiiska Gaza wuxuu u muuqdaa mid soo dedejin kara dhamaadka maamulkiisa — xilli taageeradiisa ay hoos u sii dhacayso, halka Trump uu noqday qofka ugu saameynta badan ee siyaasadda Israa’iil maanta.
GAROWE ONLINE