Hindiya: Gabar yar ayna nolosha ku aaseen waalidiinteeda oo la halay

Image

NEW DEHLI, India – Gabar yar oo nolosha lagu aasey ayaa laga helay India. Falkan waxaa la tuhunsan yahay in uu salka ku hayo caruurta la dilo marka ay dhashaan taasi oo dalkan kusoo badatay.

Laamaha ayaa dhalaankooda ku duugay qabuure hoos u qodan dhowr feet kuna yaala Isbitaalka, sidda laga soo xigtay sarkaal ka tirsan booliska oo ku sugan magaalada waqooyi ee Bareilly, gobolka Uttar Pradesh.

"Badiilka ayay ku qodeen dhulka, waxayna maqlayeen oohinta cunuga," sidaas waxaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay bileyska.

Gabadha ayaa waxaa la sheegayaa in ay kaliya dhal-neyd muddo shan maalmood ah. Walina looma bixin wax magac ah.

"Isla markiiba waxay u yeereen mid kamid ah Ilaalada Qabuuraha, kaas oo arkayey waalidiinta oo meesha ku sugnaa," ayuu xusay.

Cunuga ayaa kadib loola cararay Isbitaal, halkaas oo xaaladiisa caafimaad lagula tacalaayo, waxaana wehliya waalidiintiisa.

Hindiya ayaa waxaa caado u ah in qoysasku u gabadha u arkaan "qumey," wayna dilaan isla markiiba ay dhalato.

Dhakhaatiirta iyo Shaqaalaha caafimaadka ayaa laga mamnuucay in ay lamaaneyaasha ka qaadaan tijaabo ay ku ogaanayaan dhalaanka kahor dhalmada. Kaliya xarumaha diiwaan-gishan ayaa loo fasaxay.

Go’aankan ayaa wuxuu la xiriiray markii ay soo bateen ilmaha layska soo xaaqo kahor inta aysan dhalan markii waalidiintu ogaadan Jinsiyadooda - Wiil ama Gabar.

Sanadkii 2017-kii, booliska ayaa is-maamul goboleedka Galbeedka dhaca ee la yiraahdo Maharashtra wuxuu ka helay 20 cunug oo layska soo xaaqey, kuwaas oo lagu soo riday baco. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaanka Pakistan oo soo gebagebeeyay safar xal loogu raadinayo dagaalka Bariga Dhexe

Dadaalladan ayaa imanaya xilli cadaadis xooggan uu ka dhashay xiritaanka mar kale ee Marinka Hormuz.

  • Caalamka

    18-04-2026

  • 11:46AM

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM