Hindiya oo ka go'an inay magaceeda u beddesho "Bharat"

Image

NEW DELHI, Hindiya - Dowladda Hindiya ayaa ku tala jirta inay magaca dalkaas u bedesho "Bharat," sida ay sheegeen wakaaladaha wararka.

Talaabadan ayaa ka turjumeysa dadaalada uu xisbiga Hinduuska ee talada haaya ku doonayo in meesha looga saaro waxa ay u arkaan magacyada laga dhaxlay gumeysiga.

Wararka ka imaanaya Hindiya ayaa sheegaya in xukuumadda Modi ay ka go’an tahay inay magaca rasmiga ah ee dalkaas u bedesho "Bharat."

Xukuumadda Modi ayaa soo gudbin doonto soo jeedin ku saabsan in la beddelo magaca rasmiga ah ee Hindiya inta lagu guda jiro kalfadhiga gaarka ah ee baarlamaanka oo loo qorsheeyay Sebtembar 18-22.

Tiro badan oo ka mid ah hogaamiyayaasha xisbiga haya talada Hindiya ee “Bharatiya Janata Party” ayaa muujiyay sida ay u taageersan yihiin in magaca dalkaasi la bedelo.

Siyaasiyiin ka soo jeeda dalkaas ayaa sheegay in “Bharat’ uu yahay magacii hore ee dalkooda, kaas oo gumaystihii Ingiriiska u beddelay Hindiya. Waxay carrabka ku adkeeyeen in Hindiya kumanaan sano loo yaqaan "Bharat".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM