​Hogaamiyaha mucaaradka Gabon oo madaxweynenimo sheegtay

Image

Doorasho Todobaadkii hore ka dhacday waddanka Gabon ayaa sababtay khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya madaxweynaha dalkaasi Cali Bongo iyo hogaamiyaha mucaaradka Jean Ping kaasoo ka horyimid natiijadii doorashada ee dalkaas.

Arrintas ayaa sababtay in Jean Ping ku dhawaaqo in uu yahay madaxweynaha saxda ah ee dalkaasi.

Shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Libreville ayaa waxa uu mar kale ku celiyay dalabkiisa ahaa in dib loo tiriyo codadkii laga dhiibtay doorashadii dalkaasi ka dhacday.

Madaxweyne Cali Bongo ayaa doorashadaasi ku guuleytay codad gaarsiisan 60 kun oo kaliya, waxaana arrintaasi ka dhashay dibadbaxyo rabshado wata oo ay ku dhinteen shan qof halka kummanaan kalena xabsiga la dhigay.

Taageerayaasha mucaaradka oo muddo saddex maalmood ah ku xayirnaa gudaha xarunta xisbigooda ayaa hadda loo ogolaaday in ay halkaasi ka baxaan.

Ciidamo ayaa isku gaadaamay dhismahaasi kaddib markii mucaaradka madaxweyne Bongo ay dab qabadsiiyeen dhismaha baarlamanka dalkaasi.

Xaaladda waddankaasi ayaa kacsan, waxaana laga cabsi qabaan inuu dalkaasi galo fowdo siyaasadeed.

Cali Bongo qoyskiisa ayaa muddo dheer xukumayay waddanka Gabon.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM