​Hogaamiyaha mucaaradka Gabon oo madaxweynenimo sheegtay

Image

Doorasho Todobaadkii hore ka dhacday waddanka Gabon ayaa sababtay khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya madaxweynaha dalkaasi Cali Bongo iyo hogaamiyaha mucaaradka Jean Ping kaasoo ka horyimid natiijadii doorashada ee dalkaas.

Arrintas ayaa sababtay in Jean Ping ku dhawaaqo in uu yahay madaxweynaha saxda ah ee dalkaasi.

Shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Libreville ayaa waxa uu mar kale ku celiyay dalabkiisa ahaa in dib loo tiriyo codadkii laga dhiibtay doorashadii dalkaasi ka dhacday.

Madaxweyne Cali Bongo ayaa doorashadaasi ku guuleytay codad gaarsiisan 60 kun oo kaliya, waxaana arrintaasi ka dhashay dibadbaxyo rabshado wata oo ay ku dhinteen shan qof halka kummanaan kalena xabsiga la dhigay.

Taageerayaasha mucaaradka oo muddo saddex maalmood ah ku xayirnaa gudaha xarunta xisbigooda ayaa hadda loo ogolaaday in ay halkaasi ka baxaan.

Ciidamo ayaa isku gaadaamay dhismahaasi kaddib markii mucaaradka madaxweyne Bongo ay dab qabadsiiyeen dhismaha baarlamanka dalkaasi.

Xaaladda waddankaasi ayaa kacsan, waxaana laga cabsi qabaan inuu dalkaasi galo fowdo siyaasadeed.

Cali Bongo qoyskiisa ayaa muddo dheer xukumayay waddanka Gabon.

GAROWEONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM