Madaxda la inqilaabay ee Myanmar oo dacwad lagu soo oogay
NAYPYITAW, Myanmar – Dukumiintiyo booliis oo la dusiyey ayaa Arbacada maanta ah waxay muujinayaan in hogaamiyaasha sar-sare ee dowladda Myanmar ee xabsiga loogu taxaabay afgembiga militari ay wajahayaan eedo dambiyeed.
Lataliyaha Dowladda, Aung San Suu Kyi iyo Madaxweyne Win Myint ayaa ka mid ah dadka la xiray kadib markii militariga ay la wareegeen awooda Myanmar Isniinta todobaadkan.
Suu Kyi iyo Myint, oo la rumeysan yahay inay xabsi guri ugu jiraan magaalada siyaasadda caanka ku ah ee Naypyitaw, ayaa la la'yahay, inkasta oo la aaminsan yahay in ay kamid yihiin maxaabiista oo qaarkood ee la sii daayay ama xabsi guri lagu geliyay si ay u helaan isgaarsiin.
Labada dukumiinti ee sirta ah oo si weyn ugu faafay baraha bulshada, ayaa lagu sheegay in Suu Kyi iyo Myint ay Isniintii hortagayaan maxkamad heer degmo kuna taal magaalada Zabuthiri ee gobolka Naypyitaw. Maxkamadeynta oo loo qabtay 14 casho waxay ku qabsoomeysaa fogaan arag.
Suu Kyi oo wajaheysa illaa seddex sano xarig ah ayaa lagu soo oogay dacwado la xariira sharciga dhoofinta iyo soo dejinta dalkaas.
Si gaar ah waxaa loogu haystaa in ay si sharci darro ah kusoo dhoofsatay 20 xabo oo gacanka telefoonada ciidanku adeegsadaan.
Dukumiintiyada booliska waxay cadeeyeen in madaxweyne Myint sidoo kale wajahayo ugu badnaan sadex sano oo xarig ah maadaama lagu soo oogay dacwado la xiriira in uu jebiyey sharciga maareynta musiibooyinka si gaar ah in uu hareer-maray xeerarka xakameynta Covid-19 intii ay socdeen ololihii doorashadda 20-kii September kuna sugnaa Naypyitaw.
Aung Kyi Nyunt, oo xubin sare ka ah guddiga fulinta ee xisbiga talada haya ee Suu Kyi, National League for Democracy (NLD), ayaa xaqiijiyey dacwada. Si kastaba ha ahaatee, xisbiga wali ma helin ogeysiis rasmi ah.
Warbaahinta waaweyn ee caalamiga ah ayaa ka gaabsatay in ay xaqiijiso jiritaanka dukumiintiyadda, waxayna sheegeen in aan looga jawaabin dalabyo ay u direen madaxda waddankaas si ay wax uga waydiiyaan.
Golaha Maamulka Qaranka, oo ah talis cusub oo uu horkacayo hogaamiyaha inqilaabka ahna taliyaha militariga, Min Aung Hlaing, ayaan wali wax war ah ka soo saarin maxaabiista.
Milatariga Myanmar ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah Isniintii, saacado kadib markii ay xireen Myint, Suu Kyi, iyo xubno kale oo sarsare oo katirsan NLD.
Inqilaabku wuxuu dhacay saacado ka hor kal-fadhigii ugu horreeyay ee baarlamaanka cusub ee waddanka kaasoo la qoondeeyay inuu qabsoomo ka dib doorashooyinkii dhacay bishii November ee la soo dhaafay taas oo xisbiga Suu Kyi ee NLD ay ku hantay guulo ballaaran.
Milatarigu wuxuu ku andacooday inqilaabka ay u sameeyeen sababo la xiriira "musuqmaasuq hareeyay" doorashooyinka kuna eedeeyeen xisbiga taladda haya in uu sameeyay wax-is-dabamarin baahsan. Balse, masoo bandhigin caddeymo.
GAROWE ONLINE