Hoggaamiye Sare oo Daacish katirsanaa oo Lagu Dilay Duqeyntii Cal-Miskaad

Image

LONDON - Wargeyska Daily Mail ee dalka Ingiriiska ayaa warbixin ka qoray in duqeyn cirka ah oo Militeriga Mareykanka ka fuliyay 1dii bishan Buuraha Cal-Miskaad, ee gobolka Bari taasoo lala beegsadey goobo ay ku dhuumaalaysanayeen hogaamiyaasha sare ee Daacish.

Sebastian Gorka, oo ah agaasimaha sare ee la-dagaallanka argagaxisada ee maamulka Trump, ayaa xaqiijiyay in Maeleminine uu qoray qorshayaal argagixiso oo ka yimid dalal kala duwan, isaga oo ku tababaray kooxaha jihaadiyiinta sida ay u abaabulaan weeraro waaweyn.

"Ninkani wuxuu ahaa mid muhiim u ah qorsheynta iyo abaabulka argagixisada, isagoo isticmaalay maleeshiyooyin kala duwan," ayuu yiri Gorka.

Ninka la dilay, oo magaciisa lagu sheegay Ahmed Maeleminine, ayaa loo aqoonsaday inuu mas'uul ka ahaa qorsheynta iyo qorista argagixisada loogu talagalay fulinta weeraro ka dhaca dalalka reer Galbeedka.

Maeleminine, oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Daacish, ayaa lagu sheegay inuu ka shaqeynayay abaabulka maleeshiyooyin ku sugan dalal kala duwan, isagoo u tababaray sidii ay u fulin lahaayeen weeraro kala duwan oo ka dhaca waddamada reer Galbeedka. Waxa uu mas'uul ka ahaa howlgallada dibadda ee kooxda, isagoo si weyn uga shaqeynayay xiriirka iyo isku-xirka maleeshiyaadka caalamiga ah ee Daacish.

Dhanka kale, duqeymo ay fuliyeen ciidamada Maraykanka iyo kuwa Imaaraadka Carabta ee ka dhacay buuraleeyda Calmiskaad ee gobolka Bari ee Soomaaliya ayaa lagu dilay in ka badan 100 dagaalyahan oo ka tirsan Daacish. Sidoo kale, ciidamada Puntland ayaa sheegtay in ay ku dileen dagaalyahanno ajaaniib ah oo ku sugnaa meelaha hore ee dagaalka.

Puntland ayaa sii wadaysa dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyadoo la sameynayo duqeymo iyo howlgallo dhanka ciidanka ah oo lagula dagaalamayo maleeshiyada Daacish iyo Al-Shabaab ee ku dhuumaalaysanaya buuraha gobolka Bari. Iskaashiga caalamiga ah ee ka dhanka ah Daacish ayaa ah mid xoogan, iyadoo ay jiraan duqeymo isdaba joog ah oo Mareykanka fulinayo, kuwaasoo qeyb ka ah la-dagaallanka argagaxisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Netanyahu uga digay joogitaanka ciidamada Israel ee Suuriya iyo Lubnaan

Warbixinta ayaa sheegtay in intii lagu jiray wada hadal telefoon oo dhex maray labada hoggaamiye Khamiistii la soo dhaafay.

  • Caalamka

    14-07-2026

  • 06:52PM

Mareykanka oo Duqeeyey 140 Bartilmaameed oo ku Yaalla Iran

Dhanka kale, Iiraan ayaa la sheegay inay jawaab ahaan weerarro ku qaaday Baxrayn, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    13-07-2026

  • 09:44AM