Hoggaamiyihii LRA oo kasoo hormuuqanaya maxkamada Huge

Image

January 26, 2015 (GO)- Hugaamiyihii Jabhada LRA Dominic Ongwen ee dhowaan la qabtay ayaa la filayaa maanta in la horgeeyo maxkamada dembiyada dagaalka ee ICC.

Ongwen ayaa wajahaya eedo kulul iyo falal xad gudub ku ah aadanaha oo ay geysatay jabhadiisa LRA oo lagu tilmaamo mid arxan daran oo qasta xaaladaha nolosha iyo siyaasadda Afrika dhexe.

Fatou Bensouda oo ah dacwad ooge sare oo ka tirsan ICC ayaa boggaadisay in sarkaalkan dacwadiisa loo dhiibay maxkamadooda, taas oo ay ku tilmaantay mid soo afjarayso falalkii argagixinta ahaa ee ay waday LRA.

LRA ayaa lagu eedayaa askaraynta carruurta oo ay weliba qafaashaan iyo xasuuq ay ka geysteen dalalka Congo ilaa Uganda, maadama ay ku xoog badan yihiin keymaha dalalkaas.

Dominic Ongwen ayaa lagu qabtay bishii hore dalka Congo, wuxuuna haatan gacanta ugu jiraa ICC oo 10 sano ka hor dalbatay in la soo qabto isaga iyo afar hugaamiye oo kale.

Ongwen wuxuu ku dhex koray LRA kadib markii ay qafaasheen isagoo jira 10 sano una socday iskuul ku yiilay woqooyiga Uganda, sida taariikhdu qortay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Duqeeyey 140 Bartilmaameed oo ku Yaalla Iran

Dhanka kale, Iiraan ayaa la sheegay inay jawaab ahaan weerarro ku qaaday Baxrayn, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    13-07-2026

  • 09:44AM

Iiraan oo xirtay marin-biyoodka Hormuz, weerarna ku qaadey dalalka Khaliijka 

Iiraan oo sheegtay inay gantaallo iyo diyaarado ismiidaamin ah ku weerartay Jordan, Bahrain, Kuwait, Qatar iyo Cumaan.

  • Caalamka

    12-07-2026

  • 11:16AM